XAAJO.COM

Sh.Ibraahim oo maanta ka hadlay Munaasabdii Salaada Ciida ee Jigjiga(Sawiro)

Munaasabadii Ciida Carafo ee Maanta ka dhacday Caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga ayaa waxaa kasoo qayb galay Sh.ibraahim Maxamed Xuseen isagoo goobtaa kula hadlay kumanaan shacab ah oo isugu yimid banaan wayn oo loogu tala galay in dadku halkaa ay ku tukadaan Salaada ciida.

Sheekha ayaa Madashaa kasoo jeediyay khudbad qiima badan lahayd oo dhinacyo badan taabanaysay isagoo shacabka degaanka ku dhaqan ugu baaqay in gacmaha la isqabsado lagana wada shaqeeyo horumarka iyo Nabadgalyada degaanka si bulshadu ugaadho barwaaqo.

Munaasabadan waa is cafin iyo qalbi furnaan iyo in la isku calool fayoobaado ayuu yiri Sheekhu mar uu ka hadlayay fadliga Maalintan ciida ah isagoo Dowladana ugu baaqay in Maanta la sii daayo dad fara badan oo ku xidhan Jeelasha degaanka soomaalida waxaana xusid mudan in isla goobtaas ay ku aqbaleen  codsigii Sheekha Masuuliyiintii ugu sareysay DDSI iyago balan qaaday in ay Munaasabadan ciida awgeed lasii deyn doono tira badan oo ka mid ah maxaabiista ku xidhan jeelasha.

Sh.ibraahim oo ka hadlay qodobo muhiim ah ayaa tilmaamay in Amaanku yahay shey muhiin u ah bani aadamka wuxuuna tusaale usoo qaatay kumanaanka kun ee isgu timid banaankan sidaa darteed ayuu sheekhu dadkii halkaa isgu yimid ku booriyay in gacan bir ah lagu qabto oo la ilaashado Amaanka.

ugu dambayntii ayaa sheekhu wuxuu ku baaqay in la qabto Shirweyne wada tashi oo looga arrinsanyo Nabadgalyada iyo horumarka degaanka soomaalida kadib shirkii Nairobi ee laga sugayay in ay wax kasoo baxaan oo Ururka ONLF ay ka baxeen wadahadalkii.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print