XAAJO.COM

Sh.Maxamed Ibraahim Shakuul oo Muxaadaraad joogta ah kawada Jigjiga

Waxaa 27 kii Ramadan soogaadhay Magaalada Jigjiga ee Caasimada degaanka Soomaalida Ethiopia Sh Maxamed Ibraahim Shakuul oo katirsan Culimada iyo Ganacsatada  magaca kuleh Soomaalida.

Laga bilaabo imaatinkii sheekha illaa hada waxaa uusheekhu wadaa muxaadraad iyo khudbooyin

Joogta joogto ah oo aan kala go’ lahayn kaasoo uu u jeedinayo qaybaha kaladuwan ee bulshada sida dhalinyarda, dumarka, ducaadda iyo guud ahaan shacabka kudhaqan Jigjiga. Muxaadarooyinkan ayaa kadhacayay Masaajida, warbaahinta iyo Goobaha wax lagu barto.

Hadaba Iyadoo aan la soo koobi Karin Muxadaraadka uu sheekhu wado ayaa waxaa kamid ah:

  1. Axkaamta Zakatulfidriga
  2. Axkaamta Ciidda
  3. Ramadaanka kadib maxaa inalagudboon?
  4. Dhibaatada Qaadka
  5. Fahanka nolosha wanaagsan
  6. Xuska Allaah
  7. Xisaabta Qiyaamaha
  8. Tawxiidka iyo ka fogaanshahaShirkaga.
  9. Diintu waa Naseexo
  10. Xusnulkhuluq

Shacabka ku dhaqan Magaalada Jigjiga ayaa si  aad ah  ugu diirsaday soona dhaweeyey baraarujinta sheekha, kuwaasoo si aad ah u soo camirayey goobaha Muxaadaraadku kadhacayeen.

Waxay wararku intaas kudarayaan in sheekhu uudhawaan dhagaxdhigi doono dhismo aad u wayn oo ka kooban Hotel iyo Shopping centre oo laga dhisayo Magaalada jigjiga oo la ciireysa ganacsato iyo Qurbojoogaad aad u badan.

Xaajo.com

Jigjiga

 

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print