XOL:Wararka naga soo gaadhaya dalka Qatar ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Cabdinaasir(Nashaad) iyo Sheekh Ibraahim Dheere ay gaadheen dalka Qatar ayna halkaas u tageen iney ka qaybgaleen shirweyn oo culimada Islaamku isugu imaanayaan. Labada Sheekh ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey jaaliyadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Qatar.
Labadan Sheekh ayaa iyagu ku yimid casuumad loo soo direy waxayna inta ay kusugan yihiin dalka Qatar ay la kulmi doonaan jaaliyaadka Deegaanka Soomaalida iyo hay’ado iyo dad muxsiniin ah oo ay ugudbin doonaan hormarka deegaanka iyo mashaariic ay hay’adda SAAD ka waddo deegaanka Soomaalida.