XAAJO.COM

Sheekh Maxamuud Shible iyo culimo kale oo Khartuum tagay

Waxaa soogaadhay 6/09/2012 magaalada khartuum caasimada wadanka suudaan wafdi kasocday jamacada mustaqbal ee magalaada gaarissa waftigan ayaa waxaa kamid ahaa,

Shekh maxamuud maxamed shibli oo isagu kamid ah mu’assisiinta jamacada mustaqbal kuna jira majliska umunada ee jaamacada

Diktoor faysal maxamed shariif oo isna ah mudiirka ama madaxa jaamacada mustaqbal

Culimada kasoo kicitimay wadanka keenya ayaa waxa garoonka kusoo dhaweeyay arday badan oo soomaali ah qaarkoodna ay xilal ka hayaan ururo iyo raabidooyin badan oo kajira wadanka suudan

Waxaa isla xiligiiba culimada gaadhi khaas ah kuqaday culima waawaayn oo can ka ah wadanka suudaan macrifana dheerna ay kadhaxayso shekh shibli iyagoo kawada shaqayn jiray dacwada xilli uu shekh kunoolaa wadanka holand

AHDAAFTA AY UYIMAADEEN CULIMADU

Culimada ayaa waxay uyimaadeenn sidii jamacada mustaqbal ay aqoonsi uga heli lahayd qaar kamid ah jamacadaha wadnkan suudaan si ay ardayda dhameeysata jamacada mustaqbal uhelaan furas ah siiwadashada taclintooda sida master ama darajada diktoorada

Hadaba kulama badan oo ay culimadu layeesheen masuuliyiinta jamacado iyo macaahid badan oo kuyaala magaalada khartuum ayaa waxay sibuuxda aqoonsi uga heleen jaamacada qur’aanka kariimka iyo culuumta islaamka, jaamacada ayaa hoosta kaxariiqday inay minax isugu jira master iyo diktooraa tiro xadidan ah ay siin doonto jamacada mustaqbal halka ay tirada kale ee ardayda jamacada mustaqbal een fursada uhelin minaxdaas, loo sameeyay qiima dhimis ah in ay kudhigan doonan qiimaha lagu dhigto masterka iyo diktooraada nisfigood ama badhkood, waxaa kale oo ay jamacadu balan qaaday inay farac kafuri doonto wadanka Kenya midaasoo runtii guul u ah umada muslimiinta ah e kunool wadankaas khaasatan kuwa somalida ah

Sidoo kale waxay jamacada mustaqbal aqoonsi kaheshay machad al khartuum al duwali, ee luqada carabiga

Machadkan oo ah machada caalami ah ayaa furuuc kuleh wadama kale oo Africa ah waxuuna ubalan qaaday wafdigan kasocday jaamacada mustaqbal inuu farac kafuri doono wadanka Kenya

Waxaa jira jamacado kale sida umu durmaan al islaamiyah oo iyaguna soo dhaweeyay wafuudan kasoctay jamacada mustaqbal wallow aynan jirin wax ay hada balan qaadeen waxaase jira is afgarad hordhac

Waxaa la odhan karaa safarkii ay culimadu kuyimaaden waxuu kudhamaaday guul usoo hoyatay shacabka muslimiinta ah ee wadanka keenya guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka somaliyeed ee kudhaqan wadanka Kenya

KULAMADII DACWADA AHAA EE AY CULIMADA AY LAYEESHEEN ARDAYDA SOMALIYEED EE WADANKA SUUDAN

Mudadii labada isbuuc ahayd ee ay culimadu kusugnaayeen magaalada khartuum waxaa usuura gashay inay qabtaan kulumo dacwo oo ay layeelanayeen ardayda somaliyeed ee iyagu kusugan wadankan suudan hadaba kulan ay soo qaban qaabiyeen, ururka dhalinyarada ardayda somaaligalbeed fariciisa suudaan iyo xidhiidhka ardayda soomaaliyeed ee calamiga ah fariciisa suudaan ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka caalamiga ah ee jamacada Africa

Cinwaanka nadwadan ama kulankan ayaa waxuu ahaa iswaafaqida iyo isfahamka umada somaaliyeed falanqayteeda iyo sida xalku yahay

Ugu horayn shekh shibli ayaa kahadlay caqabaadka hasyta umada somaaliyed manta isagoo kusoo koobay dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen

1.Qabaliyada umada soomaaliyeed qayrkeeda kareebtay

2.Marin habaabin lagu sameeyay siyaasada somaliya

3.Sidoo kale marin habaabin diini ah iyo waliba mid caqadi ah

4.Joogida ciidamda shisheeye gaiyaga soomaaliyeed

Faahfaahin kadib waxaa makarafoonka lagu wareejiyay diktoor faysal maxamed shariif

Oo isna kahadlay xal uhelida caqbadaha taagan, diktoorka ayaa tilmaamay in khilaafku yahay mid had iyo jeer bani aadamka soo kala dhax gala hayeeshee lo baahan yahay in aan lagukala tagin loolana noqdo kitaabka alle iyo sunadda nabiga

In looga danbeeyo waxii masaa il diin ah cilimada umada

Qaybtii ugu danbaysay ee nadwada ayaa waxaa lagu wareejiyay sidoo kale sheikh maxamed macalim oo ah camiidka kuliyada shareecada ee jamacada bariga Africa ee magalaada boosaaso

Sheikh ayaa isna kahadlay dhowr qodob oo lagama maarmaan u ah umada somaliyeed hirgalinteeda gaar ahaan dadka aqoon yahanka ah waxaana kamid ahaa:

In jiilkeena soo kacayo laga dhiso dhinaca tarbiyada iyo thaqaafada

In aqoonyahanku kashaqeeyo islaaxinta umada dhexdeeda ah

In uu xidhiidh joogta ah kadhaxeeyo cuqaasha umada iyo shacabka

In loo istaago samaynta siyaasad kudhisan cadli iyo xikmad

KULANKII AY SOO ABAABULEEN URURKA ARDAYDA SOMALI GALBEED

Hadaba iyadooy badnaayeen kulumada ay culimadu layeelanayeen ardayda somaliyeed ayaa waxaa sidoo kale jiray kulan ay soo abaabuleen ururka dhalinyarada ardayda somaligalbeed kulankaasoo kadhacay maqarka ururka uu kuuleeyahay magaalada khartuum

Culimada oo ay xiisa badan uqabeen inay arkaan ardayda ayaa lagu furay kalmad wacdi iyo dardaaran ah oo ujeediyay shekh shibli

Waxuu sheikhu ardayda kula dardaarmay inay kafaa iidaystaan waqtigooda

In ay wadankan suudaan kala tagaan cilmi ee ayna shahaada kaliya kaqaadan maadama inbadan la arkay dad shahaada wata lkin aan cilmigedi lahayn

In cilmiga labartay loola noqdo wadankii oo isagu baahi wayni kajirto halkaasna loo tadxiyoodo oo ladaboolo baahiyaha loo qabo qofwaliba aqoontiisa iyo waxa uu bartay ee an lagu fikirin meelo kale

In lakala duwo takhasusaadka am fieldiyada labaranayo oo layidhaahdaa maxuu wadankeni ubaahan yahay sidaasna lagu buuxiyo hadba meeshii loobahan yahay

In wadankan ay kunoolyihiin waxii wanaag ahay ku arkaan u raraan wadankeenii

In ardaydu isku xidhnaato midnimadana laxoojiyo lagana fogaado khilafaadka iyo waxyaabah lacif saqiirka ah lana so dhaweeyo cid waliba oo gobolka udhashay halmeelna laga duulo sidii wadankas wax loogu qaban lahaa [Picture]

Intaa kadib ayaa waxaa uu soo jeediyay diktoor faysal warbixin dheer oo taabanaysay dhinacyo badan sida jaamacada mustaqbal ee uu isagu mudiirka kayahay , gobolka waqooyi bari Kenya iyo xaladihiisa, iyo guud ahaan wadnka keenya warbixintaas kadib ayay ardaydu su aalo badan waydiiyeen culimada

Iyagoo culimaduna ay hadba su aashii lawaydiyo ay qaadaa dhigayeen jawwaab waafi ahna kabixinayeen kulankaas oo ahaa mid aay ardaydu inbadan isagoo kale sugayeen ayaa waxuu kusoo dhamaaday farxad iyo raynrayn ay ardaydu kamaqsuudeen culimada waawayn ee wakhtigooda usoo huray kalmada qiima badana ujeeediyay wax alle waxay su aal qabeena looga jawaabay si ay kuqanceen ardaydu.

Salaaxudiin shekh cabdullahi cumar

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print