XAAJO.COM

Sheekh Nashaad oo shir Caalami ah ka qaybgalay

Gudoomiyaha Hay’adda SAAD Sh.Axmed C.naasir Nuux (Axmed Nashaad) oo maalmahan Safar shaqo ah ku marayay Wadanka Qatar ayaa ka qayb galay Shirar Caalami ah iyo kulamo fara badan oo uu la yeeshay Hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyada Degaanka ee Wadanka Qatar.

Shir Caalami ah oo ka dhacay Magaalada Doha ee Dalka Qatar ayna kasoo qayb galeen Hay’ado fara badan oo ku bahoobay (UNION INTERNATIONAL HUMANITARIAN ORGANIZATIONS) kana kala yimid Shanta qaaradood ee Caalamka ayaa SAAD lagu Casuumay, shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Hay’adahaas iyo ajandayaasha la damacsanyahay iyadoo la meel mariyay dhamaan qodobadii lasoo bandhigay.

Shirkan oo socday 3 maalmood ayaa kusoo dhamaaday guul iyadoo SAAD ay kusoo bandhigtay waxqabadkii Sanadkii tagay ee 2011, SAAD ayaa urukan ka ah Xubin Asaase muhiim ah.

Dhanka kale Gudoomiyaha SAAD ayaa kulamo la qaatay Hay’adaha Samafalka ee ka jira Dalka Qatar isagoo usoo bandhigay waxqabdkii SAAD ee 2011 waxaana la isla gartay in SAAD ay qabatay waxqabad la taaban karo iyagoo ka codsaday SAAD in ay heshiis la galaan si loo sii hormariyo waxqabadka ay SAAD u hayso bulshada.

Gudoomiyaha oo kuguda jira Safarkiisa aya kulan ballaadhan la qaatay Jaaliyadda Degaanka soomaalida ee kunool wadanka Qatar, kulanka oo ay kasoo qayb galeen inta badan Jaaliyada ayaa wuxuu udhacay si wanaagsan waxaana halkaa lagu daawaday Waxqabadkii SAAD ee Sanadkii tagay ee 2011.

Jaaliyada ayaa aad ugu riyaaqday Waxqabadka uu usoo bandhigay Gudoomiyaha SAAD iyagoo uga mahadceliyay Gudoomiyaha howsha lama ilaawaanka ah oo ay u qabteen bulshada mudadii yareed ee ay shaqaynaysay SAAD.

Kulankan oo ahaa mid muhiin ah ayaa Jaaliyadu waxay codsatay in kulan kale la iskugu yimaado.

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print