XOL:Hal qof ayaa ku dhintay 5qof oo kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Doorshaale oo ka tirsan dhulka deegaanka Soomaalida ee ethiopia. Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa lagu soo waramayaa iney qaarkood xaaladdoodu halis tahay iyadoo lageeyay isbitaal ku yaalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo xad dhaw la leh deegaanka Soomaalida.
Sida ay sheegayaan wararka halkaasi naga soo gaadhaya, waxuu yimid shilkani kadib markii ay isku dhaceen labo gaadhi oo nooca Market two loo yaqaano ah, kuwaas oo u kala socday Galgaduud iyo Deegaanka Soomaalida. Waddada isku xirta gobolka Galgaduud iyo dowladda deegaanka soomaalida ayaa lagu soo warramayaa inay burbursan tahay, waxaana dhowr jeer oo hor ka dhacay shilal gawaadhi oo keeney khasaare badan.
Shilalka gaadiidka isaga goosha deegaanka dhexdiisa ayaa iyagyuna sanadaha danbe aad usoo badanayay iyadoo sabab looga dhigo jidka dheer ee laamiga ah iyo baabuurta oo ay darawaladu u kaxeeyaan si xawli dheer ah taasoo marar badan ku dhamaatey halaag ay dad badan ku nafwaayeen.
Xaajo.com