XAAJO.COM

Shil Gaadhi oo ka dhacay jidka udhaxeeya Qabridahare iyo Dhanaan

Wararka naga soo gaadhaya magaalada qabridahare ee xarunta gobolka qoraxay ayaa tibaaxaya inta u dhaxeeysa qabridahare iyo magaalada dhanaan uu maanta gaadhi kula qalimay dad rayid ah islamarkaasina u badanaa xujeey ka timid  xaga magaalada jigjiga . Warkani oo aan ka helay dad ku sugan magaalada qabridahare ayaa noo  xaqiijiyay shilkan gaadhi, iyagoo xusay inayna jirin wax dhimasho ah halka  la xaqiijiyey  4qof oo dhaawac fudud ah, magacayada dadka dhaawaca ah ayaana wali noo sura galin in aan helo isgaadhsiinta oo xun awgeed.

Shilkan gaadhi ayaa imaanaya iyadoo muddooyinkani dambe uu ka socodo dhismooyinka xaga jidadka guud ahaan deegaanka Soomaalida. Dad aad ubadan ayaa ku nafwaaya jidadka deegaanka sanadahan danbe iyadoo aysan wali xukuumadda aysan kasoo bixin qaab iyo qorshe lagu dhimayo shilalka ka dhaca jidka dheer.

Calijawhar

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print