XAAJO.COM

Shir balaadhan oo ka dhacay Sanca Yemen

XOL:Waxaa maalinkii oo ku beegnayd Jamcihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacay magaala madaxda wadanka Yemen ee Sanca shir aad u balaadhan oo ay iskugu yimaaadeen wax garadka ka soo jeed besha absame iyo adeerkood ee ku nool caasimada sanca ee dalka yemen. Shirkan ayaa ahaa shir yimid kadib markii uu muwaadin ka soo jeed DDS uu booqashu ku tagay wadankii asagoo soo joogay lix bilood iyo badh.si markaasi loo helo xogta dhabta ah ee wadanka ka jirta wakhtigan la joogo ayaa loo baahday shirkaasi.

Sidii caadada ahayd markii la is xasuusiyay cabsida rabi kadib ayuu mudana dhuux ooda ka qaaday war bixin dheer oo meela badan taabanaysay gaar ahaan hormarka qaybihiisa kala duwan ee ka jira wadanka sida

1-Waxbarashada
2-Amniga
3-Biya galinta iyo xaga jidadaka

Qodabadaasi oo uu ka haqab tiray dadkii ka soo qayb galay shirka oo ku noqotay waxayna filaynin hormarka intaas dhan ee ay ku talaabsatay xukuumada DDS.

Sidoo kale waxaa uu ku booriyay dadkii iskugu yimaaday shirka inay wadankii soo arkaan waxana uqabtaan kana qabsadaan wadankooda waxii ay rabaan

Waxaa xusid mudan in uu awooda saaray mudana dhuux xaga amniga iyo xaga wax barashada asagoo sheegay in xaga amniga guul wayn laga gaadhay waxaana uu yidhi mudadii aan joogay ma arag wax amni dara ah iyo dagaal midnaba,waxaa kale oo sheegay in ay wax barashadu ay tahay free oo ninki maanta wax isku haya uu u madaxbanaanyahay wax barashada asagooo furan kara jaamacado dugsiyo iyo tacliinta qaybaheeda kala duwanba

War bixintii kadib ayaa waxaa loo guda galay su,aalihii loogu talagalay in la su,aalo mudane dhuux asagoo siifiican ooga jawabay su,aalihii la waydiiya

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobadan

1- In laga wada shaqeeyo waxii umada dan u ah

2-in la iskugu yimaado shir kale oo kan ka balaadhan

3-in kor looqaado isku xidhnaanshaha shacabka dhaxdiisa

Shirkaasi oo sii heer sara ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka dhax muuqday aqoonyahano,ganacsato,odayaal iyo dhlin yaraba waana sidan magacayadii ka soo qayb galayaasha shirkii qayba ka mid ah

1)DR:cali Maxamed Maxamuud (Cali faray)

(2)Sheekh Yuusuf Maxamed Faarax (Yuusuf Dhancade)

(3)Sheekh Bashiir Axmed Xasan[DR]

(4)Sheekh Maxamuud Axmed Maxamuud (Maxamuud Fanax)

(5)Sheekh Ismaaciil Maxamed Ismaaciil

(6)Sheekh C/rashiid Nuur Ismaaciil

(7) DR: Aadan Macalin Faaraxِ

(8)DR: C/raxmaan Maxamed Xuseen

(9)Sheekh khader maxamuud alaaki

(10)Sheekh c/kariim sulub

(11)sheekh c/laahi caaqil xasan

(12)sheekh axmed sheikh c/laahi(axmed dacwo)

(13)sheekh c/risaaq xasan cali

(14)sheekh c/kaafi xasan

(15)sheikh c/raxmaan xaashi

(16)c/raxmaan sheikh c/maxamuud

(17)c/mahad muxumed guul

(18)maxamed kare maxamed

(19)maxamed xasan (bisle yare)

(20 )bashiir shugri sheikh axmed taabe

(21)sheekh dhuux

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print