Shirkii machadka Alnawawi ee UK London ka dhacay 07/07/12 ayaa wuxuu ku dhamaaday guul waxaan isugu yimid dadka jecel khayrka oo isugu jira odyaal,culimo,aqoon yahano iyo dumar.
Shirkan oo qayb ka ah shirar ka dhacaya daafaha adduunka oo lagu taageerayo machadkan ayaa wWaxaa furey SH.Cabdinuur Weerar oo ku furey Muxaadaro diini ah oo ka hadleysa wanaagga iyo kheyrka ay diinteenu ku sheegtey qofkii ka qaybqaata kheyrka iyo wanaagga isagoo sheekhu oo ku adkeeyey ka qaybgalayaasha shirkaasi iney taageero buuxda siiyaan hawlaha noocan oo kale ah ee umadda iyo ubadka lagu kaalmeyno.
Waxaa kadibna waxaa ku xigey Cabdikarim Xaaji Cali oo ka warbixiyeey Taarkiihdii la aasaasay Mac`hadka iyo dhismah la rabo in mar dhaw laga hirgaliyo Qabridahare iyo kharasha ku baxaya iyo sida looga baahan yahay in jaaliyaadku uga qaybqaataan gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Qoraxay intooda kheyrka iyo caqliga usaaxiibka ah.
Waxaa intaas kadib la daawadey cajal muuqaal ah oo laga soo duubay machadka aAlnawawi kadibna waxaa warbixin ku saabsan UK iyo dhaqaalaha soo xarooday ka soo jeediyey MOWLIID MOHUMED halkaasana ka sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo Charity wax ka qabata waxna loogu qabto hawlaha samafalka ah iyo gaar ahaan machadka Al Nawawi. Mawliid ayaa sheegay in la bilaabay hawshaas sameynta hay’addaas samafalka ee Charity-ga waxaana hadda lasugayaa ayuu yidhi dhameystirikii sharciyadda Charity-ga oo magaceedu yahay SAHAL RELIEF AND DEVELOPMENT(SRD).
Intaas kadibna waxaa lagu soo dhaweyeey AHMED KHALIIF oo mar dhaw ka soo noqday Qabridahare soona arkay machadka alnawawi kana soo duubay Cajalad Video ah soona jeediyeey in la taageero mac`hadka soona jeediyeey waxyaabaha ay u baahan yahiin.
waxaa ku xigay oo isna ka hadlay ABDIWALI GOROD oo ka mid ahaa jaaliyaadkii tagay Qabridahare soona arkay mac`hadka alnawawi oo sheegay in magaalda oo dhan ay rabeen inay caruurtooda geystaan aad na ay u hadal hayeen.waxaa isna ka hadlay DR.GAMADIID oo sheegay in kheyrka la iska ka shado kuna gubaabiyeey in la taageero qof inaga mid ahna ka qeyb qaato.waxaa isna ka hadlay SULDAAN BASHIIR SULDAAN MAHAMUD HAYBE oo isna ku gubaabiyeey in laga wada qeyb qaato taageerida dhismaha mac`hadka alnawawi shegayna in la iska daayo hadalada wax u dhimaya wada jirka dadka lagana fogaado wixii wax u dhimaya kalataga.waxaa hadlkii qaatay dhinaca gabdhaha waxaa ka hadlay FADUMO ABDI ADAR IYO XAALI AHMED oo iyna sheegay in la dadaalo oo la sii xoojiyo sidii u u dhismi lahaa mac`adku,waxaa isna ka hadlay MAHAMED HASSAN DUBAD oo sheegay in manta ay wax uga kordheen shirka oo aad ugu amaanay jaaliya Qoraxey waxa ay qabteen. waxaa isna khadka telefoonka kaga soo qeyb galay SH.SULDAAN oo ah maamulaha mac`hadka alnawawi ee qabridahare oo ku amaanay jaliyaadka dibada ee ka soo qeyb qatey taagerida dhismaha mac`hadka alnawawi sheegayana in gobolada kale ay aad ula yabeen oo ay wax naga weydiyeen sida aad u maamusheen ee fiican .Waxaa isna ka hadlay XUSEEN CABDULAAHI oo sheegay in dadkii aan ku soo arkay qabridahare ay u baahan yahiin in loo dhiso mac`had kan kuna bararujiyeey jaliyaadka in ay wax taraan dhismaha mac`adkan.
ugu danbeyntii waxaa isna ka hadlay DR.CARAB CADIQADIR oo sheegay haddii ilaahy yiraado inuu dhismaayo mac`hadkan lacagta loo baahnayahayna ay aad u yar tahay,dadka hawsha wadana u soo jeediyeey amaan waxaa kale oo u darey in loo bahan yahay in magaalda qabridahare wax laga qabto sidii looga caawin lahaa MALARIA oo ku haysa dhibaato badan.waxaana la isku raacay in qof walba dhinaciisa hawsha ka qabto ii cidna lagu haleyn.
Xaajo.com
London