XAAJO.COM

Shirkii wadatashiga iyo hirgalinta jaamicada Qoraxay oo ay go’aamo ka soo baxeen(SAWIRO)

10/04/12, Waxaa shalay shir balaadhan iskugu yimid jaaliyada ka soo jeeda gobolka Qorahay ee ku nool London iyo Birmingham waxaa kale oo shirkaas ka soo qeybgashay sacda cali sahal oo shirka ooga timid wadanka Norway shirkaas oo ka dhacay London shirkaas oo uu ajandihiisu ahaa iskaashiga iyo hirgalinta jaamicada loo dhisayo gobolka Qorahay.

Shirka waxaa lagu furay ayaadaha quraanka sida caadada u ah dadka islaamka ah waxaana quraanka akhriyay sheekh mukhtar xaduur. waxaa shirkaa xidhiidhiye u ahaa Ahmed Cabdi  oo shirkaa si heer sare u hogaaminayay kana mid ahaa maamulka Qorahay Education Foundation (QEF) ayaa ka hadlay sababta keentay in muddooyinkii danbe  ay hoos u dhacdo waxbarashada dugsiga sare ee kabridahare taasi oo dhalisay in aysan QEF aysan wax lacag ah u dirin iskuulada.

Waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha jaaliyada UK Jamaal Sheikh Ibraahim oo ka hadlay muhiimada waxbarashada waxuuna sheegay in uu taageerayo dhismaha jaamicada Qoraxay. Waxaa shirka lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha jaaliyada Qorahay Cali Cabdi Takhal oo warbixn dheer ka bixiyay socdaalkoodii iyo waxii u qabsoomay intii socdaalka ku marayeen gobolka Qorahay waxuu Cali sheegay in waxii oogu muhiimsanaa ee u qabsoomay in uu ahaa in ay jaamicada dhulkeedii la siiyo odayaasha magaalada qabridahare ay ku deeqeen geel gaadhaya 500 oo neef degmooyinka kalena ay bixin doonaan 300 oo neef o geel ah waxuuna cali ka codsaday dhamaan jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka qorahay meel kasta oo ay joogaan in ak qeybqaataan mashruuca dhismaha jaamicada. waxaa isna lagu soo dhaweeyay Sacda Cali Sahal oo shirka ooga timid wadanka Norway sacda waxay oogu baaqday dhamaan shacabka ka soo jeeda gobolka qorahaay in ay taageero buuxda siiyaan dhismaha jaamicada Qorahay.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay Ahmed Mukhtar Sheikh (Eegga) oo kamid ahaa gudigii jaaliyada Qorahay ee booqday degaanka Soomalida gaar ahaan gobolka Qorahay.Ahamed waxuu sheegay in ay wadanka oogu danbaysay isaga oo 6 sano jira ayna tahay markii oogu horayasay ee uu booqdo Ahmed waxuu sheegay in uu indhihiisa ku soo arkay in uu horumar badan wadanka ka socda fikradii hore ee uu ka haystayna wadankana uu la soo noqday mid ka duwan ahmed waxuu aad ooga hadlay qiimaha ay waxbarashu leedahay iyo in uu gobolka qorahay ka hooseeyo xaga waxbarashada,nabadgalyada iyo caafimaadka gobolada kale ee degaanka somalida taasina ay sabab u tahay kooxda nabad diidka ah ee culayska dagaal saaray gobolka qorahay.

Dr: Nuur hussein oo ka hadlay qiimaha ay waxbarasho jaamivcadu leedahay waxuuna soo jeediyay fikrad ah in jaamicada aan la iska bilaabin dhismaheeda ee marka hore loo raadiyo aqoonsi oo lala xidhiidho dawlada dhexe iyo safaarada London. waxuu yidhi hadii aan shrciga la marin waxaa suura gal ah in laguu diido in aad dhisto jaamicada markaa waa in aan fiirinaa wadada oogu fiican ee ay jaamicadan ku hirgali doonto inaga oo marayna wadada sharciga.

Waxaa isagana ka hadlay Dr: Gamaadiid oo isagana ka hadlay qiimaha waxbarashu ay u leedahay bini’aadanka noloshiisa iyo baahida balaadhan ee ka jirta gobolka Qorahay waxuu Dr: Gamaadiid sheegay in Qoraxay ka tagay sanadkii 1964 tii isaga oo xer ah oo cilmi raadis ah meel kasta oo uu tagana uu waxbarasho ka bilaabayay waxuu yidhi somalia meel aanan marin ma jirto aniga oo xeroow ah ka dibna waxaan dib oogu soo noqday somalia aniga oo dhakhtar ah marka halagu dadaalo waxbarashada ayuu yidhi.

Waxaa isagana ka hadlay mohamed dhakaaburo oo isagana ka hadlay horumarinta jaamicada iyo laga qeyb qaato dhismaha degaanka oo ruux kasta uu guri ka dhisto gobolkii uu u dhashay.

Shirkaas ayaa waxuu ku bilawday jawi wanaagsan waxuuna ku dhamaaday jawi heer sare ah

Go’aamadii ka soo baxay shirka.

1) Waxaa loo magacaabay Eng:Diiriye Islaam in uu yahay gudoomiyaha hirgalinta jaamicada qoraxay
2)in la sameeyo gudi balaadhan oo ka kooban 64 ruux oo kala imaanaya Yurub,Africa,America, Bariga dhexe iyo Ausralia maamulkaas oo daboolaya baahida hirgalinta jaamicada qorahay.
3) in laga soo dhexsaaro gudiga 64-ta gudi fulinta iyo gudi trustee ah oo ay hoos yimaadaan gudoomiyaha iyo gudiga 64-ta
4)in la sameeyo sanduuq dhaqaale oo hoos imaanaya gudiga trustiiga ah
5)in gudiga 64-ta ka kooban lagu daro gudigii jaaliyada qorahay ee UK iyo gudigii QEF iyo intii kale ee aqoon iyo karti waxqabasho leh oo raba in ay ka qeybqaataan horumarinta waxbashada gobolka qorahay.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print