Waryaada maxeynu isugu qayileynaa! Weynu is ognahey. Habeenkii isku meel ayaynu ku caweynaa. Aroontiina labo hadal oo kala duwan ayaynu dadka u kala sheegnaa. War nimanyahow aynu ilaahey kabaqno oo aynu dadka iyo nafteenaba sidan u dhaano.
War ninyahow dadka yaa mas'uul kaaga dhigey. Dhagweyn ilaahey kusiiyey maxaad isugu soo kicin. Dantaada karaaco. Deymaha isaga bixi. Daaro waaweyn kajeexo. Darajo ilaahey ku siiyey oo dib dambe aanan kusoo mari doonin maxaad isa dayici. War ninyahow daneyso haddaad runta dooni.
Alla damiir laaweysanaa! away dadkoogii. Awey diintoodii. Ma aduunyo laga tagi ayay darajo moodeen. Aawey kuwii ka horeeyey ee malaayiinta kulmiyey. Cuduro aanan lagaran iyo caafimaad darey kaqaadeen.