Baryahan dambe ayaa waxaa soo kordheysay eedeyn badan oo loo soo jeedinayo ururka ONLF iyo waxqabad xumidiisa. Dadka udhashey dhulka Ogadenia ayaa shirar badan ku caddeeyey ineysan u dulqaadan karin wuxuu ururku kawado waddanka gudahiisa iyo dibadiisaba.
Run ahaantii, arinkan ma aha mid layaab leh, sababtoo ah waxay dadku arkaan in lacagihii ay toboneeyada sano soo bixin jireen ay tahey midaanan waxba lagu qaban. Waxay arkaan in iyagiiba ugaadhsi lagu bilaabey. Waxey dareemayaan rajo-xumi, niyad-jab iyo inaysan jirin habo yaraatee wax rajo ah oo ay kaqabaan waxtarka ururka iyo xornimadii uu ugu yaboohi jirey muddada dheer.
Lakiinse waxaa layaab weyn ah in layiraahdo wixuu xunba ONLF baa leh. Waxaa layaab ah in ceelkii iskuu u dumaba layiraahdo ONLF ayaa sabab u aheyd ama riyihii halkaas ku oomana looqabsado ONLF. Waxaa layaab leh ineysan dadku wax badiil ah oo dhaama aysan la imanin ee ay afka oo kaliya ka hadlaan.
Waxaan maqley in waddanka Iiraan wixii xumaan ah ee kadhaca oo dhan loo saariyo Mareykan oo waxay yiraahdaan waxa halkan ka dhacey oo idil waxaa kadambeeya sheydaanka weyn oo ay ula jeedaan Mareykanka.
Run ahaantii wuxuu arinkaas ku tusinayaa daciifnimada ay dadku ku jiraan iyo sida aysan u dooneynin iney dhibaatooyinkooda xalliyaan. Waxay doonayaan iney mar walba eeda usaariyaan dowlado shisheeye iyo ururo si ay naftooda ugu qanciyaan in waxa meesha ka socda uu yahey wax awoodooda kabadan oo aysan waxba kaqaban karin.
Ururka ONLF wuxuu ka kooban yahey dad faro kutiris ah oo lawada yaqaano. Dadka taageerayaasha u ah waa kuwo aynu habeen walba wada caweyno. Marka, haddii ay jirto doonis dhab ah, dadka nabadadda doonaya waxay kuguuleysan lahaayeen waxqabad lataaban karo ee waxay naftooda u sheegeen ineysan waxba qaban karin maadaama uu sheydaanka weyn ee Ogadenia(ONLF) uu wax walba dhoobeynayo. Marka ma waxey dadkaas doonayaan iney caytamaan oo kaliya oo aysan waxba qabanin. Ceyse maxaa ONLF lagaga qaadi haddiiba uu horaan dhurwaa u yiri "Ulna layla gaadhi waa, cayna waxba iyeeli wayday "