Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net

 



              

Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Main Menu
Subax wanaagsan!

 


 

 

Cashiradan hoose ee kombiyuuterka waxaan kasoo xiganay Somalitech.com
-------------------------
Sideen u joojin karaa Internet Explorer error report?

Horudhac iyo isticmaalka jiirka (mouse)

Habaynta Desktop-ka kombiyuuterka

Sideed u nadiifin kartaa kombiyuuterka?

Masixidda barnaamijyada aadan u baahnayn(uninstall)

Sideed kombiyuuterka ugu celi kartaa sidii hore (WinXP System Restore)


»Ninkii dhulka jooga dhurwaagu ha qaato
Caruurta ayaa intey geedaha dusha ka fuusho dhihi jirtey "Ninkii dhulka jooga dhurwaagu haqaato".

Runtii waxaa arinkaas lamid ah dadka dibadda jooga badankood kuwaas oo u dhashey dulka Somaligalbeed. Dadkaas waxey haystaan noloshoodii iyo middii ciyaalkooda intaba. Sidaas owgeed waxaad arkeysaa ineysan dan iyo aabo ka laheyn wixii ku dhammaada waddankii gudahiisa maadaama ay iyagu dibadda kajoogaan. Taas waxaa daliil u ah in dibadjooguhu ilaa iyo hadda aanan laga helin dad isku xidhan oo muujinaya iney yihiin kuwo daacad u ah dhulkooda iyo dalkooda. Dadkan shirarka ay qabtaan waxay u yimaadaan lugo-baxsi iyo madadaalo. Waxey doonayaan in wixii halkaas kadhaca aanan looga sheekeynin ee uu nin walba helo wixii uu ugu sheekeyn lahaa kuwa aanan iman ee shaqooyinkoodii kasoo bixi waayey.

Markii shir laysugu yimaado waxaad ka dareemi in dadka badankii uusan muujineynin xamaasad iyo waxqabad dhab ah. Mararka qaarkood kaftan ayaaba laga bixi waayi. Qaar kale ayaa iyaguna waxaad moodaa in loo soo direy in wixii halkaas laga sheegaba ay mucaaradaan oo ay wax kasheegaan iyaguna aysan waxba keenin.

Qaar kale ayaa iyagu kugula talin in ra'yigaada saxda ah aadan halkaas kadhiiban. Waxay kugula talinayaan inaad runta qariso sababtoo ah waxaad iska hor imaaneysaan dad badan oo hadda ku jecel. Sidoo kale waxay aaminsan yihiin inuusan shirku waxba kasoo baxeynin sidaas owgeed ay tahey in ruuxu wax iskula hadho oo uusan wixii calooshiisa ku jira dibadda soo dhigin. Qaar kale ayaa iyagu sugaya iney hadlaan kuwo kale oo ay xurguf ka dhaxeyso si uu uga dabo qaato oo halkaas ay fowdo u noqoto.

Dadka gudaha jooga ayaa waxey waligood soo fiiriyaan dadka dibadda jooga oo waxay ka sugayaan iney isbadal weyn u keenaan sida umadaha kaleba ay ugu aayaan dadkooda dibadda ku nool ee dhaqaalaha iyo aqoontaba leh.

Allow nimaan wax ogayn ha cadaabin!.

Subax Wanaagsan
Subaxwanaagsan@xaajo.com

Print This Article comments (0)

   

 

 
 

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com