| Main Menu |
 |
Subax wanaagsan! |
 |
  |
|
|
|
»Jijigaay Subax wanaagsan!!! |
Waa goor barqo ah cadceeduna diirtay,Geedi iyo Shadoor waa labo nin oo dhalinyaro ah,kuna kala magacaaban labo waaxood oo ka tirsan xafiisyada heer deegaan ee Ismaamulka Qawmiyada Soomaaliyeed Ethiopia oo kolba magaceedu isbadalo, tacriifna aanan la raacinin waxa kolba"Q, ama'N, midod loogu daro magaca ama looga gooyo.
"Makiyaato ayaan u baahanahay saw maaha" ayaa layswaydiiyay iyadoo uu Geedi shukaanta gaadhiga LandCruiser ka ah ee uu leeyahay Hoggaanka Kicinta iyo Bulshada oo adeerkiis ah uu gacanta ku hayo wata.RRAda inagee iyadaa Bun fiicane ayaa Shadoor ku taliyay. "Asaxaabtii kale ayaaba iyana saacaddan qiyaasihii imaanaysa saw ma'aha" ayaa Maax oo la qayila iyaga had iyo jeer, xanta magaaladana u soo ururiya ase aan shaqo hayninni soo tuuray.Waa 11:00 nadii qiyaastii, xafiisyadana waxaa hordhooban dad badan oo waraaqo wata iyo bakoorado oo u soo muraaaday in ay hawli uga fusho.
Gabadh xog-hayn ah iyo laba adeege oo aan Soomaali ahayn af-Soomaalina aqoon, ase ka shaqeeya Xafiiska, ayaa dadka u Sheega Agaasinkii ama Wasiirkiiba inuu maqanyahay. Hadii Duq Muuse waydiiyay dhawr jeer adeerey goormay soo noqon ayaa Af-Amxaar loogu jawaabay, sababtoo ah tii Soomaaliga ku hadlaysay ayaa iyana sii baxday daqiiqadii taas ka horaysay oo waxaa uun jooga labo adeege oon Af-ASoomaali ku hadlin.
Geedi iyo Shadoor waxay ugu tageen RRA Cafateeriya saaxiibadood iyo Hogaan Bakayle oo ay la joogaan Taliyayaal kale oo Maleeshiyada iyo Asluuba ah oo waxna ka ah Xisbiga Hasha(SPDP)isku xulufona ay yihiin Hoggaanka ballan qaadna ku haysta marka Madaxwaynaha la rido in midkood loo dhiibi doono Hoggaanka Nabadgalyada.
Waxaa soo fool leh shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Hasha. Shadoor iyo Geedina waxay filayaan in ay xubno ka noqdaan Golaha Dhexe. Waxaa iyaga, Hoggaanka iyo Taliyayaashuba ka soo wada jeedaan xulufo ka soo horjeeda Madaxwaynaha Ismaamulka(Mudane Dheereeye), waxayna doonayaan marka Kafeega la cabo in ay aadaan guriga Suhuura oo ay ka qaataan kiilooyin Jaad Aawaday ah oo aad qaali u ah oo inta badan magacyadooda ku qoran.
Wiil ka mid ah ilaaliyaasha Hogaanka Kicinta iyo Abaabulka ayaa loo diraa in uu soo qaado Jaadkii hebel iyo hebel magacoodu ku qornaa iyaguna gaadhiga kamadagaan.Qiyaasihii maalin walba waxaa ku baxa Jaadkooda 1850 Birr(Riyaal).Agaasin Shadoor musharkiisa caadiga ah ee uu bishii saxeexo waa 1367 Birr oo saafi ah.
Qayilaadan maanta, ujeedada u wayn ee loo fadhiyaayi waxaa weeye in lagaga hoosguuro Madaxwayne Dheereeye iyo xulafadiisa, Booskii Cali Dheerana lagu badalo marka lajabiyo qolada kale Shadoor oo ay Cali isku reer yihiin maadaama ay khasab tahay in booska uu nin reer hebel ahi banneeyo la geeyo ninkale oo ay isku qolo yihiin. Booska loo socdaana waa xubinimada Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Hasha.
2:00da Dhurnimo ayay sharciyayn tahay in shaqada xafiisyada adeega bulshada u hayo lagu noqdo. Asxaab Bakayle uu horkacayo iyo badnkood masuuliyiinta Kilikuba, sharcigaasi iyaga ma khuseeyo, cid ku dabo taagan in ay shaqooda qabsadaana ma jirto. Mar la waydiiyay horta maxaad galinka danbe shaqada u gali waydaan, ayaa mid kamid ah guruupkan ku qayila Guriga Martidu uu yidhi "Madaxwanuhuba ma galee ma anagaa wax gaar ah qabna".
Bishii Hidhaar sedexdeedii ayaa laysugu yimid shirkii Golaha dhexe ee lafilayay iyadoo ay hanwayn qabaan guruubkii Bakayle iyagoo filahaya in Dheereeye iyo wixii uu wataayi daadku qaado. Dabadeed Shadoor iyo Geedina ay meesha Dhexe imaandoonaan."U joojin mayno iyo hadalo lamid ah ayaa galabnimadii hore laysu lahaa mar mirqaanka jaadku uu meel fiican u marayay iyaga gurigii Maryan Dheer.
Waxaana ninba uu maahmaahanayay baabuurka hebel mark la eryo, darwalkii uwadi lahaaa baabuurka Wasaarada Ganacisga oo reerkooda ah ayuuba sii ballnasaday. Laabtoobyo cusub ayaaba laga sii dalbaday Istashinariga Faras. Waxaana ragga qaarkii uu ba xaaskiisa u sheegay in ay qalab cusub o guri Abu Dabay ay ka dalbato. Maxaase xigay hankaas? Aan dhawrno bal sida shirkii u dhacay iyo waxa ka soo baxay.
Shadoor iyo Geedi waxay hoosta ka xariiqeen ku fadhiisiga jago aan xafiis iyo kursi toona lahyn ase awooda badan.Waa Golaha Dhexe Ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaaliyeed oo Hasha looyaqaan. Waxaase dhacay arrin aan la filayn oo Korneel Geetaajow oo ay wax isku ogaayeen Hoggaanka iyo asxaabtiisa ayaa si dagdag ah looga yeedhay Harar. Waxaana alabnimadii subaxa shirku dhacayo ka horraysay, Garoonka Diyaaradaha Ee JIJIGa ka soo dagay wafdi Dawlada Dhexe ka socda oo Shirka Xisbiga ka qaybgali doona.
Habeenimadii ayaa wafdigaas waxaa ay isla casheeyeen Madaxwaynaha, dabadeedna waxaa la dajiyay in aysan taakeersanayn wax is badal ah oo Ato Dheereye ka soo horjeeda. Niyad jab wayn ayay arintani ku keentay bakayle,Shadoor iyo Geedi oo filayay in ay ka hoos guuraan Dheereeye, Cali Dheere, iyo Qaac, waxna ay la wadeen Korneel Geetaajow iyo Guddoomiyaha Xisbigu. Durba shuxshux iyo kala dhuumad baa bilaabmay. Akhyaartii Bakayle ay isku safka ahaayeen ayaa qaarkood habeen-badhkii u guuray guriga Madaxwaynaha, waxayna bixiyeen xogo badan oo ay hayeen, ballan qaadyo iyo idinku waad nabadgalaysaan oo jagooyinka laydin ka qaadi mahayo,ayaa lagu yidhi.
Goobtii biyo raaciska ee gurigii Maryan dheer ayaa Taliye Cismaan iyo Ina Aadan laga waayey. Baabuurta ayaa xaafadaha lagula dhexwareegay si loo soo helo bal raggaas caawa meesha ay biyo raacsika la tageen. Taleefanadii xaafadaha ayaa la qaban waayay; hebel ma joogo iyo maantaba maanaan arag ayay kujawaabeen xaasaskii raggaas la raadinayo oon ka warqabin waxa ay u soo qado doonan waayeen, ase duulduul ay ku soo gaadhay riyaaq lihi, in raggoodu uu Madxwaynaha ridahayo mooggan....
Lasoco qaybta labaad ee sheekadan. Diyaariye: Shariif Cadde
Print This Article comments (0) |
|
|
| |
|
|
|
|
|
| |
|
| |
|
 |
 | |
|
 |
 | |
 |  |
 |
 |
|
 |
 |