»QAADKU WAA DHIBAATA 1AAD EE DIB U DHIGAY DADKA SOOMAALIDA ETHIOPIA.
Markaad fiiriso xalaada nololeed ee dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka iyo sida ay u noolyihii dadakuba. Waxaa fajac iyo la yaab leh inaad arkaysid in 80% dadku ay qayilayaan intaas in la mid ahna ay Gaajo la Rafaadsanyihiin haba waa jaaba maxaa sababay? Hadii aan fiiriyo Magaalooyinka Jigjiga, Godey, Dhagax buur, Qabri-Daharre, iyo Shilaabo iwm waxaa maalinkii soo galay Diyaarado ama Gawaadhi uu qaadku Buuxo Jawaanadii QAADKA lagu waday oo LACAG ah bayna lala Noqdaan…….Waxaad kale oo ku arkaysaa in dadkii macaluul iyo gaajo la dhimanayaa………… Hadba walaal akhristoo siday waxa u jiraan? Taas ma Dowlada dhexe iyo mida hoose ayaan ku eedeynaa? Ma reer iyo nin madax ayaan dusha ka saarnaa. waaba laga wada simayahay kii meel joogba waa inuu Qaadka cunaa haduu kililka u shaqeeyo ama uu shacab yahay ama ONLF ba… Anigu yaabay bal ila eega oo hadda way ka siman yihiin.
Waxaan arkaa in qaadku yahay Cadaw 1aad ee ummaddan leedahay, sababtu waa 1. wuxuu keenay dhibaato dhaqaale oo aan laga soo waaqsan karin. 2. wuxuu keenay dhibaato burburka reerka oo ku bata ummadda. 3. wuxuu keenay dhibaato caafimaad 4. wuxuu qaaday sharaftii qofku lahaa oo wuu baryootami asagoon ogayn. 5. wuxuu noqday inuu qafka ka dhigo mashaqayste…….. 6. inuu caawa ku tuso aduunkii oo dhan inaad hayso,waxaba kamajiraan. 7. Adigu ma soo koobi kartaa dhibkiisa?
Fa’iido ma lee yahay……….yaab 1. ma jirto 2. ma arag 3. ma maqal 4. sheeko iyo shaahidba, xataa kan ugu daacadsan cunida qaadku mahayo.
Hadaba walaalayaal waxaa idinka codsayaa meel aad joogtaanba in hadii aan doorayno inaan dadkeenii wax u qabano inaan dadkii wacyi galin ku bilowno si aan uga badbaadino Cadawgan aan la arag una baajino lacagta Jawaanihii Qaadka lagukeenay lagula noqonay oo sidii uu qaadku uga buu lacagtu uga buuxdo. Lacagtaas oo ah tii dadka Gaajada, oonka, jiilaalka iyo rafaadka kagabixi lahaayeen. Waa uun aragtiday oon la aamusi waayey