XAAJO.COM

Suugaan:Ugaas Nuur Ugaas Warfaa-Aar.

Magacan haddaan intaa kali ah ku daayo oo naaneystii lagu yaqiin magacan ku dheehnaan jirtay ka reebo, badankiin inuusan aqoonsan baa laga yaabaa.

Ina Ugaas Warfaa-Aar, Ugaas Magan, Ugaas Warfaa kali ah haddaan idhaahdana, wali in qaarkiin guuxayo baa macquul ah, oo maskaxdiinu idin daaliso.

Ugaas Nuur Ugaas hadeynu kusoo koobnana , qaarkiin inuu i kohdo baa macquul ah, markii jaho-wareer yimaado, oo magacan meeshii aan dhigay laga soo saari waayo
Haddii aanse ku koobo “Ugaas Nuur-Cabudhiye” dhamaantiin weydun wada garan, inkastoo dad qaarkiisna ku garan ogyahay “Boqor Nuur-Cubudhiye” ninka aynu maanta u gol leenahayna waa isaga, bal inaan waayihiisii wax ka iftiimino.

Wakhti ahaan sida la qiyaasay, iyadoo laga cabir qaadanayo dhashiisii uu ka tegay iyo faca laga tirsado, waxaa la ag dhigay, In Ugaas Nuur Cubudhiye noolaa wakhtigii udhaxeeyay 1720′kii ilaa iyo 1770′kii.
Waa wakhti wax ka sheegiisu ku yaryahay soomaalida dhexdeeda, waa wakhti aan gumeyste dhulka imanin, waa wakhti aysan gaalo dhul-mareen ahi aysan buugaag inaga qorin, Waa wakhti suugaanta la tirshay ay faro-ku-tiris tahay, inkastoo dhowr gabay iyo dhowr maahmaahood deegaan walba oo soomaaliyeed laga heli karo oo xiligaas kasoo jeeda.

Sida aynu kasoo gaadhnay awoowyadeen iyo qabiiladii deriska ahaa ee deeganadaasba, waxaynu isku dayi in Ugaas Nuur-Cubudhiye sidda ugu haboon aynu dib ugu mulucsino taariikhihiisii cajiibka laheyd.
Maqaaladan soo socda ooynu kaga warami doono Ugaaska, waxaa ka mid ah, soo koristiisii uu yarraa, qaabka uu ku dhaxlay dhuubka boqornimo, ciddii uu looltanka la galay, iyo sababihii uu ku muteystay isagu.

Waxaynu kale oynu ka sheekayn qaabkii uu beesha absame ku kulmiyay, una sameeyay hoggaan adag oo in la liiciyaa, rag badani ka hawo dhigay xiligeedii, iyo xeerarkii lagu dhaqmi jirey xiligaas, sida “Xeer-Dhuure” “Xeer-Absame” “Xeer-Daarood”.

Waxaynu wax ka barran doonaa, muxuu Ugaas Nuur-Cubudhiye kaga duwanaa ugaasyadii horre ee beesha Absame ee isaga ka wakhti horeeyay, sida Ugaas Warfaa, Ugaas Xirsi, Ugaas Khalaf, Ugaas Samatar, Ugaas Magan, Ugaas Cilmi, Ugaas Guuleed, Ugaas Kooshin ama Ugaas Nuur.

Waxaynu iyadana hal qiso kasoo qaadan doonaa, isku dhicii Ugaaska iyo La taliyihiisii xeesha dheer lahaa ee la odhan jiray “Arab Jiir Caraale Amaadin”

Waxaynu kaloo ka hadli doonaa soona bandhigi doona, Ugaaska maxaynu hadal-murtieed ka heynaa ama halku-dheg maahmaah ah, ama gabayo, ama hadal caaddi ahooy niman is weydaarsadeen.

Waxaynu kaloo xusi doonaa, duulaamadii uu ugaasku ku bixiyay qabiiladii soomaaliyeed sida “Godin-Labba”, “Madheedh-Gur”, “Cadduun Hobyo”, “Laforuug”, “JigJiga”, “Aato” iyo “Waamo”.

La socosho Wanaagsan iyo is-arag dambe inshallah.

FaaraxGeeydh@hotmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print