XOL:Waxaa rabi naxariistii jano ha geeyee magaalada Qabridahare ku geeriyootey hooyo Kheyro Mataan Axmed 01.06.12 waxaana marxuumadda lagu aasey isla magaalada Qabridahare. Hooyo Kheyro ayaa ahayd hooyo laga yaqaano gobolka Qoraxay iyo gaar ahaan magaalada Qabridahare waxeyna ahayd hooyo aad looga qaddariyo dadkuna ixtiraam badan u hayeen.
Maamulka Warbaahinta Xaajo iyo dhamaan jaaliyadda Qoraxay ee daafaha aduunka kala joogta waxey tacsi wadajir ah u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii iyo qoyskii ay ka baxdey hooyo Kheyro gaar ahaan wiilkeeda Cali Cabdi Takhal ahna gudodomiyaha jaaliyada Qoraxay ee waddanka UK.
Waxaa eebbe looga baryayaa in marxuumadda janadii udgooneyd geeyo, kitaabkeedana gacanta midig kasiiyo, ehelkii ityo qaraabadiina samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin