XAAJO.COM

Telefeshinka ESTV oo cillad dhanka farsamada ah la daristey.

XOL; Telefeshinka DDS ee loo yaqaano ESTV oo dhawaan soo galay Satelite ayaa cillad dhanka farsamada lasoo daristey waxaana lagu jiraa sidii dib loogu soo celin lahaa TV-ga dhanka Satelite-ka. ESTV ayaa si caadi ah looga daawanayaa gudaha waddanka balse ciladda ayaa ku eg kaliya Satelite-ka ABABSET iyo Hotbird taasoo keeneysa in dadka dibadaha jooga aysan usuuro gali karin iney daawadaan.

Warbaahinta Xaajo ayaa la xiriirtey la taliyaha madaxweynaha dhanka xiriirka Qurba joogta Mudane Maxamuud Xaaji Cabdishakuur waxuuna sheegey iney jirto cilladaas laguna hawlan yahay in si dhakhso ah dib loogu soo celiyo hawada.

Tan iyo intii ESTV soo galay Hotbird ka ayaa waxaa si aad ah looga daawanayay waddamada galbeedka waxuuna noqdey mid loo bogay.

 

Xajao.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print