XOL: waxaa maanta ka dhacay xarunta Dhalinyaradda ee Bentley shir ay soo qabanqaabiyeen gudida fulinta ee Somali Ethiopian Community ee Galbeedka Australia, shirkaasi oo si heersare ah loo soo agaasimay unadhacay si sharafbadan.
Shirkani oo ujeedadiisu ahayd aasaaska ururka dhalinyaradda iyo ururuka haweenka ee Soomaalidda itoobiya ee Pert h ayaa si buuxda loogu ansixiyaya qodobadan hoos ku xusan
1. Doorashadda hogaamiyayaasha ururka Haweenka.
2. Doorashadda Hogaamiyayaasha Dhalinyardda
3. Qorshe sanadeedyadda Ururka dhalinyaradda iyo Haweenka
Waxaa shirka lagu doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Xaliima Dalmar, Gudoomiye Kuxigeenka Faadumo Sh Cabdi iyo Xoghaya guud Hibo Xuseen Diiriye.
Waxaa kaloo lagu doortay guddiga fulinta ee ururka dhalinyaradda oo kala ah Gudoomiye maxamed shaqlane, Gudoomiye ku xigeen Badri Geeljire, Xoghayah Guud, Nuur Cali, Xidhiidhka dadweynaha Cabdi Khalif, Xidhiidhka Jahliyadaha Xuseen Cismaan Garaad, Maaliyadda iyo Xisaabaadka C/fataax diiriye.
Waa markii ugu horeysey ee qaaradda Australiya lagaga dhawaaqay ururka dhalinta iyo haweenka ee jaaliyadda DDS waxaana lagu wadaa iney bilaha iyo sanadyada soo socda ay dadaal iyo dardar galiyaan hawlaha jaaliyadda.
Xaajo.com
Perth, Australiya