XAAJO.COM

WAA DALKAAGII DOQONYOHOW.Abdiraxman Sh. Biixi

Bismillaah

Waayadii hore ragga howsha adag loo dirayo waa lasoo xulan jiray, dadka ay metalayaana waxay diri jireen rag ay hubaan inay hawshoodana kasoo bixi karaan ceebna aan usoo jiidaynin . Markaas ayey isku haasaawin jireen “Horseed hagar kuma maqna”.

Ninka xilkaska ahina markuu ummaddiisa u qabanayo howl muhiim ah, wuxuu ballan qaadi jirey inuu howshaa u gudanayo si xil kasnimo ah. Haddii howshu ay tahay mid ka dhaxaysa wax qof ka badanna wuxuu nin waliba ballan qaadi jirey inuu dhinaciisa kasoo baxayo, markaas ayaa nin waliba u arkayey ceeb weyn oo aan weligii ka hadhaynin hadduu noqdo nin oofin waayey ballankii uu qaaday. Wuxuu nin waliba u haystay inuu noqon doono qof bilaa Diin ah, hadduu daba maro ballankaa uu qaaday illeen “Ballan darro waa Diin darree”.

Arrinkii ummadda muhiim u ah, guurti la yaqaanno hal-adaygooda, gar-yaqaan-nimadooda iyo geesinnimadooda ayaa loo saari jirey ee ma ahayn nin waliba inuu bulshada hoggaankeeda maroorsado.

Sheekadii wiilkii yaraa ee saarnaa geedka raggu ku shirayeen ayaa ah mid la yaqaanno. Raggaas oo talo gorfaynayey ayaa waxay arrintii wad-wadaanba waxay yidhaahdeen “War arrinta waayeell haloo saaro” Markay ku cel-celiyeen, ayuu wiilkii geedka saarnaa oo la sheegay inuu Raage Ugaas ahaa is hayn waayey oo yidhi:”War arrinta waayeel ha u saarina’e wax garad u saara”Sidaas ayeyna soomaalidu dhaqan ugu lahayd inay nin xilkas ah ka dhigan jireen horseed.

Inkastoo raggu magaca iyo magtaba ka siman yahay, haddana hoggaamiyeyaashii berigii hore waxay ahaayeen kuwo ay ku wayn tahay qarannimadu, kuwo ay ceeb la tahay in waddanka loogasoo galo dhankooda. Waxay ahaayeen rag usoo jeeda danaha ummada ay hoggaaminayaan xataa haddii ayna shilin ku qaadanaynin. Waxay ahaayeen kuwo waajib isaga dhigay inay shacabkooda dhulka ka qaadaan oo weliba isku daya inay la tartansiiyaan ama gaadhsiiyaan kuwo wax isu haysta. Aad ayey isagala waynaayeen in nin la mid ahi uu ka caqli badiyo.

Waxaa beddeley kuwii hore, dalkoodii dad gadayoo, dadkoodii dad gubayoo, kursi doon ku waashoo, dullinnimada door biday.

Xildhibaan

Kulligood waa xil-doon, kulligood waa xarrago-doon. Badankoodu waa xil-ma dhibayaal, badankoodu waa tiisaba daryeelaa tu kale ku dara. Badankoodu waxay ka jirran yihiin quluubta balse buur-buurnaantooda ayaa la moodaa inay jinniga ka caafimaad badan yihiin. Sidaa daraadeed way indho la’yihiin ismana oga illeen qalbigaa wax laga arkaaye.

Iyagoo sidaa ah ayay hadana soo wada safteen iyadoo midkastaaba rabo inuu ka mid noqdo madaxda hoggaamin doonta dowladda loo dhisi doono waddankii bur-buray ama ugu yaraan inuu noqdo “Xil-dhibaan!!!”.

Waa amar Ilaahay’e haddana nimankii sidaa ahaa waxaa hortooda lasoo safay kutubtii Qur’aanka kariimka ahayd si ay ugu dhaartaan sidan:

“Waxaa igu Wallaahi ah, waxaa igu Billaahi ah, waxaa igu Tallaahi ah inaan danta dadka iyo dalkaba daacad u noqonayo…” Markii ay dhaartaan kadib haddaad u fiirsatid Waxay samaynayaan waxaad ka shakinaysaa iimaankooda ay rumaysan yihiin Ilaaha Weyn ee ay ku dhaarteen.

Dhaartuna waxay ahaan jirtey ama loo baahdaa marka la rabo in la caddeeyo arrin dhacday oo ayna dad badani goob-joog ka ahayn, markaas ayaa loo yeedhaa dad looga qaataan ah oo la dhaariyaa si ay u sheegaan wixii ay arrinkaa ka ogaayeen, maantana waxay noqotay in meel kasta lala tago, cid kastana la dhaariyo, nin kastaana uu isaga xagaf siiyo, iyadoo aad mooddo inay leeyihiin: Maxaa ka macno ah, nin kastaaba wuu dhaaranayaaye ma anaa ka liitaa!!!

Nin ka mid ahaa labadii nin ee maraykanka ahaa ee la sheegay inay ku dul degeen dayaxa ayaa waxaa u yimid koox maraykan ah kuwaas oo ku andacoonayey inayna nimankani tegin dayaxa oo uu huf iyo been yahay waxay sheegayaan, markaasay ku yidhaahdeen hadaba haddaad run sheegayso noo dhaaro, markaas ayuu Edwin Aldrin diiday inuu u dhaarto. Shaki kuma jiro in ninkaasi hadduu dhaarta u arko wax sahlan inuu isaga xagaf siin lahaa sida qaar badan oo ah “xil-doonayaal”.

“Xil-dhibaannadii” xamar joogay waakaa xaalkoodii noqday inay xanaaq dartii is xabbadayn gaadheen. Ma fogayn markii iyagoo Neyroobi jooga ay nabarro is gaadhsiiyeen. Haddaba ma u malaynaysaa inay noqon karaan kuwo la isku hallayn karo?

Weli lama sheegin hoggaamiye dadkiisa gaadhsiiyey xornimo ama horumar la taaban karo oo hadana lunsan jirey hantida dadweynaha ama danahiisa hormarin jirey kana horraysiin jirey danta guud. Ma dhici karto in hoggaamiyaha daacadda ahi uu shacabka soomaaliyeed kala xigsado, kamana suuroobi karto in uu shisheeye kula saaxiibo si ay u dumiyaan qarankooda. Waxaa mar walba maskaxdiisa ku jirta inuusan afku maroorsamaynin haddii uu maya ku yidhaahdo maan-gaab kasta oo soo damaaciya kala geynta midnimadooda.

Ma arkin weli dad isku khilaafsan in bur-burkii soomaaliya ay horseed u ahaayeen jabhadihii magacoodu ka wada bilaabmi jirey “S-da”, waxaase yaab leh illeen “Xaajo tuurlaa nin la toosane” in idaacadaha ama telefishinnada soomaalida qaarkood aad ka maqlayso rag ka tirsanaa jabhadahaa oo maalin walba ku faanaya bur-burkii ay gaysteen. Ma jirto jabhad baxday oo heshay xuquuq ay raadinaysay, mana jirto magaalo soomaaliyeed oo haysata xornimo dhammays tiran oo shacabka ku nooli ku hoos jiro xukuumad caddalad samaysa.

Ma heleen wixii ay raadinayeen? Waa maya, oo kuwoodii ugusii fogaa markay bexeen waxay qirteen “inayna bexeen haddii ay moodayaan in soomaaliyi sidan ku danbaynayso”

Rabbi ha ina garansiiyo hadalka Ilaahay uu inagu leeyahay aayadda 103aad ee suuradda Aal-cimraan, taasoo uu Ilaahay inagu farayo inaan xadhiggiisa wada qabsanno innagoo isku duuban oo midaysan uuna inaga reebayo inaan kala tagno.

Waddaninimo xumada iyo musuq-maasuqa

Shacabka oo ah dulmanaha koowaad oo dusha u rita dhib kasta oo yimaadda ayaa haddana hiil iyo hooba la garab taagan dulmiilayaasha. Nin walba dulmiilaha reerkiisa ahi waa ka ugu farriidsan, oo waxay hoosta ka leeyihiin “Wallee hebel waa nin diric ah ee dhaaf ragga hayska celiyee!”Nin waliba wuxuu leeyahay dulmiiluhu hadduu ila qabiil yahay yaan lasoo fiirinnin ee marka dulmiilayaasha kale lasoo qab-qabto ayaannu dulmiilahannaga soo fadhiisinaynaa.

Dadwaynuhu iyaga ayaa dowlad ridi kara iyaga ayaana dhisi kara. Haddii dadwaynuhu nadiif yihiin, dawladduna nadiif ayey noqonaysaa.

Waxaa la sheegaa in nin magaalo amiir ka ahaa uu shacabkiisa ku tuhmi jirey inayna danahooda guud ee ay wadaagaan ayna daacad u ahayn sidii ay isaga kaashan lahaayeen. Markay wax badan ka dhaga adaygeen ayuu maalintii danbe shir isugu yeedhay markaasuu waano ka dib wuxuu u sheegay inuu meel fagaaro ah dhigayo laba fuusto oo uu rabo in caawa nin waliba uu soo qaado laba koob oo midna uu biyo yahay midna uu subag yahay oo ay ku kala shubaan labada weel. Habeenkii ayaa nin waliba wuxuu soo qaaday koob biyo ah isagoo is leh kuwa kale ayaa subagga soo qaadayee adigu biyaha uun meesha kusoo shub. Markii ay subax noqotay ayaa haddana la isu yimid oo shirkii lagu furay fuustooyinkii mise middii biyuhuna way buuxdaa middii subagga loogu tala galayna dhibiciba kuma jirto, markaas ayuu u tilmaamay in wax kasta oo cid kale lagu halleeyaa ay sidaasoo kale noqonayso.

Soomaalidu meel kasta oo ay guud ahaan dunida ama gaar ahaan geeska Afrika kaga nool yihiin waxay ku caan bexeen musuq-maasuq. Arrintanina waa calaamadaha lagu garto cudurka waddaninimo xumada ah.

Hakala saarin xukuumad iyo shacab, yar iyo wayn, koonfur iyo woqooyi, bari iyo galbeed.

Inkastoo gobollada koonfureed uu dagaalku lasii hadhay hadana mar hore ayey xal gaadhi lahaayeen haddii hoggaamiyeyaasha ay mar walba taladu gacantooda gelayso ay ahaan lahaayeen kuwo daacad ah, kuwo ay soomaalinnimo ku jirto, kuwo ka diir naxaya dadkooda. Roob nabad ah ayaa di’i lahaa haddii shacabku ka caado yeelan lahaa inay isasoo dhaweeyaan oo ay isu arkaan inay mid yihii.

Waxaana arrimahaa tilmaamaya Qur’aanka, suuradda Xujuraat, aayaddeeda 10aad, taasoo la inoogu sheegayo in muslimiintu walaalo yihiin iyo suuradda Towbah aayaddeeda 119aad oo la inagu adkaynayo inaan Ilaahayna ka cabsanno dhaqanna aan ka dhiganno runta.

Hoggaamiyeyaasha qaar kamid ah gobollada woqooyi waxay ku guulaysteen inay shacabka cabsiiyaan ama ka dhaadhiciyaan inay ka go’aan soomaalida kale, taasoo ku salaysan caadifad iyo aragti ku qotonta cudurka soomaali baabi’iyey. Waxay arrintaasi ku danbaysaba waxaa xusid mudan inay kala geddisan yihiin waddaninimo iyo caadifad qabiil. Qofka waddaniga ahi wuxuu ka fekerayaa wixii ay dani ugu jirto waddankiisa oo dhan, wuxuuna ka feejigan yahay wixii dhib usoo jiidaya. Haddiise arrinku caadifad soke iska yahay masii jiro meel fog. Waxaana tusaale u ah shacabka ku nool gobollada waqooyi oo soomaali-ka-gu’idda ku adag balse ay badankooda ku culus tahay inay fuliyaan amarro badan oo ay maamulayaashu soo saarayaan kuwaasoo shacabka dan u ah.

Nin aan saaxiib nahay ayaa waa hore wuxuu tegay magaalada jig-jiga, markaas ayuu ii sheegay in maalin maalmaha ka mid ah ay xafiis dani ka gashay, iyadoo uu xafiiskii fadhiyo ayaa waxaa soo galay nin ay is garanayeen ninkii xafiiska ka shaqaynayey, markaas ayuu kii soo galay wuxuu waydiistay shaxaad ninkii xafiiska joogay iyo wax lacag ah. Saaxiibkay wuxuu yidhi waxaan la yaabay ninkii xafiiska joogay intuu maqalkii xafiiska gacanta geliyey ayuu lacag kasoo saaray oo isagoon weliba tirinnin inta ay tahay wuxuu u dhiibay ninkii shaxaad doonka ahaa!!! Waa dalkaagii doqonyohow.

Intaanan Jig-jiga ka gudbin, sow laguma warramo in qaar ka mid ah kuwa qandaraasyada la siiyo iyo qaar ka mid ah ragga xafiisyada maamulaa inuu jiro heshiis ka dhexeeya in lacagtii loogu talo galay in mashruuc dhan lagu fuliyo badhna la lunsado in yarna wax lagu dhoob-dhoobo “Qowda maqashii waxna ha u qaban”

Waxaa aad loogu baahnaan lahaa inay culimadu wax badan inoo fasiraan aayadda 188aad ee Suuratul Baqarah, taasoo la inoogu diidayo inaan cunno maal qof kale leeyahay ama aynaan laaluush u siinnin kuwa xukaamta ah si ay inoogu fududeeyaan cunitaanka maal aynaan lahayn.

Diayaarad rakaabka qaadda ayaa waxay joogto u caga dhigan jirtay magaalada Wardheer, shacabkuna faa’iido wayn ayuu ku qabey, hase yeeshee maalin maalmaha ka mid ah iyadoo diyaaraddii ay soo caga dhiganayso ayaa askari ka tirsan jabhadda ONLF wuxuu xaggeeda ku furay rasaas. Inkastoo ayna rasaastaasi cidna waxba yeelin haddana halkaa waxaa ku argagaxay rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda, sidaa daraadeedna shirkaddii keli ahayd ee howshaa shacabka u haysay waxay goosatay inayna dib danbe u tegin meeshaas.

Hooyo soomaaliyeed ayaa waxay ii sheegtay in iyadoo isla gobolkaa dhexdiisa ku safraysa ay baabuur yar soo raacday. Maadaama uu baabuurku iska yaraa dadka baabuurka saarnaa ma ayna badnayn, waxayna wada ahaayeen soomaali marka laga reebo macalin ka yimid qowmiyadda axmaarada oo loosoo diray inuu macallim ka noqdo iskuul ku yaalla magaalada ay hooyadu u socotay. Waxay ii sheegtay hooyada iyo wiil dhallin yaro ah oo baabuurka la saarnaaba inuu macallimku iska cabsanayey maadaama uu maqlay iney meeshaas ka dagaallamaan koox kasoo horjeedda dawladda Ethiopia.

Baabuurkii wuxuu sii socdaba markuu usii dhawaa magaaladii uu u socday ayey ka war heleen rasaas oodda lagaga qaaday. Sawaxanka iyo saan-saankuba wuxuu ula ekaaday inay yihiin jabhaddii la magac baxday ONLF. Baabuurku iskii ayuu u istaagay, waxaana markiiba ay naftu ka baxday oo xabbadu la haadday macallimkii u socday inuu wax soo baro carruurtii soomaaliyeed, waxaana dhaawacyo xun-xuni soo gaadheen qaar kale oo ay ku jirto hooyada arrinka iiga sheekaysay. Hooyadan oo da’deedu kor u dhaaftay siddeetan waxaa soo gaadhay dhaawac ah inay lugihii ka jabto. Waa dalkaagii doqonyohow.

Abdirahman Sheikh Bihi

bihiabdi@gmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print