XAAJO.COM

Waa Maxay Gabaygu? WQ Faarax Gaydh

Gabaygu waa tixo meerisyo ah oo maansada Soomaaliyeed qayb weyn ku leh.Isla gaadhka qoraalkan gaaban waxaan isku dayayaa inaan idiin sawiro siyaabaha gabaygu u dhismo.
Annigoo garabka saaraya laba hab oo kala ah:
 1) Habka Qaafiyadda iyo 2) Habka Miisaanka Maansada:
———————————————————————————————————
1) Habka Qaafiyadda: Habkan waa hab qof waliba oo gabyi kara niyadiisa ku dhex xafidan. Maanso kasta ood magacawdo (ha ahaato: geeraar, jiifto, guurow, gabay, iwm) habkan ayey ku aroortaa.Habkan waxaa fure u ah “Xaraf-Raaca,” kaas oo hal xaraf maanasada lagu dhiso, qaafiyadna looga dhigo.
Qaafiyada gabayga badanaa labo goor iyo in kabadanba waa lagu arki karaa. Tusaale kooban oon tixo kala soo baxnay abwaano kala duwan tiriyeen:
 

      Jus haduu lahaa gabay anay iga jaleecdaane (Xuseen Hudle)
      Waligaa ka’waa iyo ka’waa weerar ma ujoogtay  (Raage Ugaas)
      Miyaa Afar nin oo heed Cuntaa hadh isasoo taagtay (Garaad Wiil-Waal)
      Ushaa Lagu dhuftaa neef haduu daw kasii dhiciye (Qoorleex)
      Ragoodii la wada kaayay buu koob i leeyahaye (Saahid Qamaan Cali)
      Gaawaha Usoo Uumi Iyo ila Listaan Eedi (Sayid Maxamed Cabdille Xasan)
      Xabado Baqday baan ku tirin la xarbigoodiiye (Camanje Yogol Furre)
      Haaneedka Uma Laabi Karo Geella Hobo’yoode (Cilmi Raage)
      Abtiyaaladey malaha waad ala-ladeysaane ( Xarbi Ismaaciil Samatar)
      Yamiim iyo Yasaar miduu ka yimid hadalka soo yeedhi (Aw-Faarax Jibriil)
      Wax i garan casiiskii i uuntiyo caadilkaa jirra’e (Qamaan Bulxan Yuusuf)
      Gaaroodi Baad tagi Hadaan Malag ku Gaaweyne (Cabdi Xirsi Muxumed)
     
               
Habka Qaafiyadda intaa kaliyaata nagama haqab tirin, balse nuxurkiisa waxaa uu salka ku hayaa habkan soo socda ee Miisaanka Maansada.
 
2) Habka Miisaanka Maansada: Habkan waa habka ugu balaadhan ee maansada Soomaaliyeed, dhan walbood ka eegto, lagu kala sooci karo, isla markaasna (sida gabyaayaduba dareen ahaan garan karaan) lagu garan karo inay maansadu leexsantahay iyo in ay marinnadii qarniyo ka hor loo xaadhay ku dheelmanayso. Habkan waxa uu kolkaa noqonayaa hab kelidii ku fillaada in maansada Soomaalida lagu calaamadiyo, isla markaasna dad fara badani ku garwaaqsan karaan hodontinnimada maansada Soomaalida. Habkan oo soosaaristiisu Aabbayaal ugu tixgashan Prof. C/laahi Diiriye Guuleed “Carraale” iyo Prof. Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ayaannu furfuraynaa, annagoo hindisihii Prof. Carraale adeegsanayna.
Habkan (Carraale) waxa uu ina barayaa in maanso kastaayi, dhankaad uga soo aroortaba, ku dhisnaan karto saddexdan qodob:

1 – Dheellitir ka dhaxeeya tirada alanka iyo tan shaqal-dheereha
2 – Booska ay shaqal-dheerayaashu si sugan uga geli karaan meeriska,
3 – Hormaynta alammada ee meeriska oo meeriska giijiya (Carraale, 1976: p. 17)
 
Inta aannanu saddexdaa qodob kala qaadqaadin, waxaa habboon inaan isla wada garano (gabay ahaan):
Meeris: Sadar ama baydka maansada; gabayga
Hojis: Qaarka hore ee meeriska gabayga
Hooris: Qaarka dambe ee meeriska gabayga
Alan (dhawaq): Shaqalka oo dheer iyo gaabba simanyihiin
Shaqal-dheere: Waad taqaan oo waa: AA, EE, II, OO, UU
Dhafane: Waxa uu u dhigmaa shaqal-dheeraha, waana: AY, OW, AW, EY…
 
 
Uruuriyaha qormadan:

FaaraxGeeydh@hotmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print