XAAJO.COM

Wadaadada diriraya ma wada saxanyihiin?. W/Q: Axmed C/samad

Waa qoraal aan sannadkii 2009kii u qoray qaar ka mida asxaabtayda oo wax iga weydiiyey loolankii ka dhex socdey wadaadadii horey ugu wada jirey maxaakimta iyo muqaawamada, xilligaas oo uu socdey dagaalkii Kismaayo ee Shabaab iyo Xisbul islaami. Maadaama ay suuleen cilladihii aan xilliyadaas uga gabbaday waxaan jeclaystay inaan hadda faafiyo qoraalo kani ka mid yahay oo aan xilliyo kala duwan u qoray rag aan asxaab ahayn oo meelo kala duwan dunida kaga noolaa oo i bidayey inaan uga xog-ogaalsanahay waxyaabo badan oo dalka ka dhacayey.

Axmed C/samad – Boosaso

Aad isu qabanmayso waa wadaado, waana is dilayaan, haddana way wada saxanyihiin. Dhab ahaan se ragga is dilaya waa rag inta badan dacwada ka tirsan gaar ahaan dadka hoggaanka ah, waana rag qaarkood kaalin fiican ka soo qaateen hirgalinta dacwada, taariikhdeedana meel wanaagsan kaga jiray.

Tan labaad iyaga oo sidaas ah ayay dagaalameen, ayna isu quureen inay xabbad iyagu wadnaha isku gooyaan ama dhafoorka isku fujiyaan!, waliba iyaga oo cadawgoodii u muuqdo, cadowyo kalena u soo middiyo-lisanayaan.

Tan seddexaad labadii kooxood oo dirirta mid waliba waxay haysataa Qur’aan iyo Xadiis saxiixa oo ay u daliishanayso inay iyadu xaq ku taagan tahay, kooxda kalena baadil ku socoto, isla markaasna dadka ka dhinta ehlu janno yihiin, kuwa qolada kale ka dhintana ehlu naar yihiin!.

Intaa ka dib way caddahay in waxa is haya dad muslin ah yihiin, waliba hoggaanka u sarreeya waa rag intooda badan aqoon diineed iyo taariikh dacwadeedba leh. Haddana iyaga oo miyirkooda qaba, nin nina isu garanaya ayay xabbad is la dhacayaan. Haddaba intaas oo dhan ma inay wada saxanyihiin bay tusaysaa, mise wax kale ayaa jira?.

Xaqu is ma khilaafo

Qur’aanka iyo Xadiiska la isu daliishanayo waa la isku raacsanyahay, axkaamta laga fahmayana inta badan waa la isku waafaqsanyahay ee mashaqadu waxay ka taagantahay meeshii axkaamtaas lagu (dabaqi) fulin lahaa. Hadalkaas macnihiisu waxaa weeye: nimanka is dilaya waxa ay daliishanayaan waa sax, waxaase khalad ah meesha ay u daliishanayaan. axkaamtii sharciga ahayd ee aynu Qur’aanka iyo Xadiiska ka qaadanay ayaa kooxiba meeshay rabtay ku fulinaysaa. Si arrintu u caddaato aynu keeno tusaaleyaal:

1. Madaxda muslimiinta in lagu adeeco wixii aan dambi ahayn waa waajib Alle iyo Rasuulkiisu ina fareen. Aayadda iyo xadiiska, iyo xukunka waajibnimada midna la iskuma khilaafsana, waxaase is weydiin leh:

a) madaxweyne Sheekh Shariif ma yahay amiirkii mu’miniinta ee la is amray in lagu adeecno wixii aan dambi ahayn?.

b) Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul islaami se ma yihiin khawaarij ama buqaat ka horyimid amiirkii ummadda.

c) Madaxweyne Shariif iyo ragga kale ee ku biiray ku meelgaarka ma la hubaa sababta lagu gaalaysiiyey inay tahay hesiiskay gaalada la galeen, mise sababao kale oo afka laga duwayo ayaa jira?.

d) Haddii Shariif iyo saaxiibadi ku gaaloobeen heshiiska Itoobiya iyo IGAD maxaa maxaakimta oo Shabaab iyo Xisbul islaami ka mid yiihiin ugu gaaloobi waayeen heshiiskii iyo iskaashigii Ereteria?.

e) Xisbul islaami iyo Shabaab khawaarijnimada lagu xukumayse maxaa loo siin waayey markay federalkii hore la dirirayeen?.

f) Wilaayada Islaamiga ee jubbooyinku se ma tahay dawlad islaami ah oo ay ummadda waajib ku tahay inay adeecdo?.

g) Xisbul islaami se ma yahay khawaarij ama buqaat ka horyimid wilaayadii islaamiga ahayd ee Jubbooyinka?.

h) Maamul yar oo kooxo wada dhisteen se sidee qaarkood ugu noqonayaan dowlad islaamiya, kuwa kalena khawaarij?, iyada oo la ogyahay in waxa la isku hayo yihiin xukunka iyo xoolaha?.

Haddii ay jawaabtu tahay: haa, (sida ay qabaan wadaadadii federalka galay ama kuwa wilaayada jubbooyinka dhistay) markaas kuwa ka soo horjeeda waxay noqonayaan buqaat mudan in lala diriro, waase markii xal kale la waayo. Haddii jawaabtu noqoto: maya, (sida ay qabaan kuwa labadaas qolo mucaaradaya) waxaa qalad ah in federalka iyo wilaayadu ummadda kula diriraan difaaca iyo ku khasbida imaaro aan sugnaan.

2. Qofka ama kooxda riddowda waxaa loogu yeerayaa inay diinta ku soo noqdaan, hadday shubho gashayna waa laga saarayaa. Kii diidana waa la dilayaa. Haddii uu madax ahaana wuu casilmayaa. Intaa waa la isku raacsanyahay, waxaase is weydiin leh: wadaadada federalka ku biiray dhab ahaan ma leeyihiin tilmaanta murtaddiin?. Gaalnimadoodu se ma tahay mid cad oo Ilaahay agtiisa looga helayo xujo?, mise arrintu waa ku mucaarad iyo ku xumee?.

Jawaabtu haddii ay tahay: haa, (sida wadaadada qaarkood qabaan) waxaa loo gudbayaa hadda ma la fulin karaa xugunkaan, sidee se loo fulinayaa?. Haddii jawaabtu maya noqotana (sida ay qabaan wadaadada federalka galay iyo dad kaleba) qof aan riddo ku sifaysnayn murtad ma la oran karaa, xugunkeedase ma lagu qaadi karaa.

3. Qofka lagu dilo jihaad fii sabiili Allaahi waa shahiid, waxaana dunida lagu fulinayaa axkaamta shuhadada, aakhirana janno ayaa Alle looga rajeynayaa. Jihaadka waxaas lagu helayo waa kan ah: in gaalo lala dagaalamo iyada oo loo qasdayo koryeelidda kalimada Alle. Intaasi dood kuma jirto, waxaase hubsiimo u baahan in ciidankii maxkamadaha ee Sh. C/qaadir Cali Cumar hoggaaminayey ama ciidanka xarakada Al-shabaab ama ciidankii Raaskambooni ay ahaayeen gaalo, dagaalka lala galayna uu ahaa mid kalimadda Alle lagu koryeelayo oo khaalis ah?.

Waxaa kale oo is weydiin leh diinta Islaamku ma ku kor noqonaysaa xasuuqa ciidamadaas kala duwan ee aan soo sheegnay?, haddii intaasba la dhammeeyo se yaa booskooda buuxinaya oo ka khayr badan?.

4. Haddii su’aalahaas munaasib ahaayeen waxaa kale oo mudan in la is weydiiyo Qur’aanka iyo Xadiiska lagu xalaalaystay dhiigga raggii diintaan faafinteeda iyo difaaceeda lagu bartay, una soo dhabar-adaygay la dagaalanka gaalada sow lagu ma bannaysan karo dhiigga kuwa hadda hoggaaminaya iyo kuwa xabbadda ay isku dhinaca u ridayaan?, taxanaha is dilka jaallayaashu se sow ma sii socon doono ilaa labada ugu dambaysa labo xabbadood is dhaafsato?.

5. Su’aasha ka muhiimsan waxaas oo dhan waxaa weeye: raggaan is dilaya waxay ku wada baaqayaan ku dhaqanka iyo hirgalinta shareecada, saas oo ay tahay markii labo kooxood is qabtaan garsoore-yaal isu ma noqon karaan. Haddaba ma sidii khawaarijtii bay rabaan in kitaabka kaligi wax kala xukumo, illeyn cid kale oo culumo ah oo ay ku wada kalsoonyihiina ma jirtee, mise in aakhiro lagu kala xukumo ayay sugayaan, inta ka horraysana is dilkay sii wadayaan ilaa kan u dambeeya xijaabto?.

6. Ugu dambayntii dadka is dilaya ma wada saxna, sida ay nusuusta u daliishanayaan iyo meelaha ay u daliishanayaana ma wada saxna, tilmaamaha qolo kasta ka bixinayso qolada ay is dilayaana ma wada saxna, waxaana hubaal ah haddii qolo walba laga yeelo waxa ay dilka qolada kale u daliishanayso in iyada lafteedu xugunkaas aakhirka isku fulin doonto. Si kastaba ha ahaatee waa dad jidaynaya qiilkii ay labada ugu dambaysa isku dili lahaayeen; waayo kuwii markii hore ciidanka maxaakimta dilkooda qiilka u samaystay iyaga laftoodii ayaa hadda qiil isu samaystay, taas oo keenaysa qolo walbana inay hoos qiil isugu sii samysato, waana silsilad aan dhamaanayn ilaa kooxahaasi dhamaadaan ama iyagu is dhameeyaan!.

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print