XOL:Wafti iskugu jira heer federaal iyo heer deegaan ayaa maanta markeey saacadu aheed 1:30 duhurnimo kasoo cagadhigatay garoonka caalamiga ah ee O.R.tanbo ee magaaladdajohannesburg.
Waftiga oo ka kooban 9xubnood ayaa waxaa ka mid ah wasiir kasocda dowladda deegaanka oo ah wasiirka iskaashiga iyo qorsheeynta caalamiga ee DDS Mubaashir Daahir . Waftiga waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxda jaaliyada deegaanka Soomaalida ee dalkani koonfurAfrika , waxaana kamid ah madaxda soo dhaweeysay waftiga
1.mudane maxamedcabdiyuusuf(ubaxle)
2. Muxiyadiinnuurgoodir
3.inginerkhaalidismaaciil cabdullaahi
4.DR.cabdifataaxsh.maxamed xikim
5. Khaddarsiraadmaxamuud (geelle)
6.mukhtaarxaajicismaan dhuux
7.sacdi calidheere iyo dad badan oo ka mid ah jaaliyada deegaanka ee isla dalkani.
Socdaalka waftigani ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay u arki la’haayeen jaaliyaadka ethiopia ee ku nool waddankani koonfurafrika, iyadoona lafilayo inay mari donaan dhammaan gobolada waddanka oo dhan.
wixii faahfaahin ah ee la xidhiidha socdaalka waftiga kala soco wararkeena dambe hadii alle idmo ..
Alijawhar.
Xaajo.com southAfrica