XAAJO.COM

Warbaahinta Xaajo oo wareysi dheer la yeelatay Sh. Axmed Nashaad

Waxaa Warbaahinta Xaajo.com u suura gashay in ay Wareysi gaaban la yeelato Maareeyaha Hay’adda Samafalka ah ee SAAD Sheekh Axmed C.naasir( Axmed Nashaad) wareysigaas oo ku saabsan Bishan Barakaysan ee RAMADAAN iyo Sanad guuradii Heshiiskii UWSLF iyo waliba Hay’adda SAAD wuxuuna u dhacay sidan.

 Sheekh marka hore ku soo dhawow Shabakada Xaajo.com su’aasha koowaad ee aan rabo inaan ku weydiiyo ayaa waxay tahay.

Su’aal: Sheekh maanta waa maalintii koowaad ee Bisha barakaysan ee Ramadaan maxay tahay waxa aad Umadda Muslimiinta ah ku odhan lahayd?

 Jawaab: Bismillaah. Marka koowaad Ilaahay baa Mahad iska leh Subxaanahuu watacaalaa Allihii anagoo Muslimiin ah oo Cibaadeysanayna ina soo gaadhsiiyay bishan Ramadaan Allaahna waxan waydiinaynaa inuu naga Aqbalo Soonka , Qiyaamka iyo Salaadaba, Umadda Muslimiinta ahna waxaan ugu tahniyadeynayaa Curashada bishan barakeysan ee Ramadaan Allahna waxaan ka baryaynaa inuu nagu gaadhsiiyo bishan bisheeda kale Dalkeenii iyo dadkeenii oo Nabad ah iyo anagoo Horumar gaadhna dhinac walba ah Allahna waxaan waydiisanaynaa inuu naga aqbalo Cibaadada, intaas ayaan Alle kabaryayaa waana u tahniyadaynayaa Umadda Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan Dal & Dibadba.

Su’aal: Sida aan wada ogsoonahay waxaa kasoo wareegay Heshiiskii hirgalay ee dhex maray UWSLF iyo Dowladda Itoopiya hal sano, haddaba maanta waa sidee dareenkaagu maxaase uu soo kordhiyay Heshiiskaas?

Runtii maalin taariikheed bey ahayd 29 July 2010 aadna waan u xusuustaa dareenkaygu maalinkaas wax badan baa maskaxdeyda ku jiray waxaan islahaa tallow xaaladu maxay noqon doontaa sidey wax u hirgali doonaan heshiiskan ma midha dhali doonaa wax badan baa maskaxdeyda ku jiray waana ku qanacsanahay maalinkaa sidaan maanta ugu qanacsanahay inuu Qaraar sax ahaa inuu Qaraar maalintii loo baahnaa dhacay ahaa waana arkayay isla markaa in umaddu wax badan oo ay u baahnayd uu bilaabanayo dadkuna aad usoo dhaweeyeen laakiin wax walba oo majhuul ah ama soo socda Alle umbaa garanaya siduu noqon karo maadaamuu qaraar aad u weyn ahaa Heshiis aad u ballaadhan ahaa lagana yaabo inuu wax inagu cusub ahaa Gobol ahaan iyo dad ahaan oo wax saas oo kala ah aan horay u soo arag, boqolaal su’aalood ayaa maskaxdeyda ku jirtay laakiin maantoo sanad laga soo wareegay runtii aad & aad ayaan ugu faraxsanahay Allena ugu mahdinayaa kadib waxaan mahad ucelinayaa intii ka qaybqaadatay inuu Heshiiskaas hirgalo .. in heshiiskaas laga run sheego waan uga mahadcelinayaa haday bulsha waynta tahay ..haday Dowladda tahay iyo jaaliyadaha dibedda ku maqan aad baan uga mahadcelinayaa isla markaas maanta waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay oo aan umadda u sheegi karaa in mira muuqda uu heshiiskii dhalay isbadal wayn oo dhinac walba taabanaya dhaqankii taabanaya..dhaqaalihii taabanaya….Tacliintii taabanaya.. Diintii taabanaya…Caafimaadkii taabanaya, horumar badan inuu jiro oo sidaan filaynay ama qorshaynay ilaahay fadligii la oran karo wax badan ayaa kahirgalay xaga muuqaalka ama aragtida waxaan qorshaynay wax ka badan baa fulay ayaan dhihi karaa marka aad ka eegto dhanka Horumarka Nabadda wax badan oo nabad ah ayay maanta dadkeenu ku naaloonayaan waxa dhimana wax yar weeye runtii waxaan dhihi karaa wax badan oo la taaban karo ayaa xagga nabadda ka dhacay .

Marka hore nabadda iyo wax kasta oo horumar ah bini aadamka maskaxdiisa in ay ku salaysantahay ayaa fiican laakiin maanta dadkii way fahmeen in nabaddu ku jirto nolosha qalalaase Qax iyo dagaal inuusan keenin natiijo dhab ah waa la ogyahay inrintu waxay keentay in dadku maanta haday nabadda u dhamaystirmi lahayd meel wanaagsan ay gaadhi lahaayeen horumar la taaban karana ay tiigsan lahaayeen sida lawada ogsoonyahay gobolada way isku furfumeen qaar badan oo ka mid ah gaadiidkii raashinka waday iyo safaradii si toos ah ayay u furmeen xagga laamiyadana aad baa horumar looga gaadhay.

 Tusaale ahaan gaadhigii jigjiga kabaxa casar dheer ayuu tagayaa Godey, waxaa kale oo bilowday Shirkado basas oo gobolada iskaga kala goosha oo si toos ah u baxaya , waxaa bilowday dadkii in ay isku dhaqdhaqaaqaan oo ay isku furmaan , kolkaan ka eegno xagga ganacsiga horumar xowli ah ayaa bilowday intaas oo shirkadood oo aan la soo koobi Karin oo qurbajoog dad u badan ay sameeyeen ayna ku jiraan dadkii degaanka sii joogay ayaa furfurmay, xagga xoolaha , Beeraha , ganacsiga Import iyo Export ayaa wadanka ka bilowday dhinac walba kolkaad eegto horumar badan baa jira annaga dadkii nabadda saxiixay hadaan dib ugu noqdo waxaan sameynay Hay’ado waxbarasho ,Ganacsi , kuwa bulashida rayadka u adeega oo Samafal ah sida SAADAID, kuwo arrimaha Diinta ugaar ah Sida Alsunnah waxaan taageero kolba intii awoodayada ah ufidannaa ardayda waxkabarta Jaamacadaha Dalka , Sudan & Yaman ,waxaan siminaaro iyo wacyigalin loo sameeyey Hooyooyinka gobolada oo dhan, dhalinyarada & waxgaradkaba IWM hadaba markaan eegno wax wadanka kasocda ee horumar ah iyo waxa dibadda kajira oo runtii ahaa dadkii uu dagaalku sida tooska ah u saameeyey oo dalkii ka tagay isla markaana ahaa dadkii sida tooska ah u taageerayay dagaal ama ku qanacsanaa oo nabadii qaatay oo ayagoo boqol boqol, toban toban usocda oo kakala imanaya qaaradaha iyo wadamada aduunka oo dhan ruuxa maanta jooga Addis ababa inuu jigjiga aado waxay ku qaadanaysaa maalmo inuu sugo basaska ama diyaaradaha ciriiri awgii sidoo kale magaalooyinka waaweyn sida jigjiga iyo godey hoteladii oo meel lakala seexdo la la’yahay horumar aad u ballaadhan ayaa halkaa ka jira waana wax lagu farxo waxaana Alle karajayn in uu noodhammaystiro.

Waxaana marlabaad utahniyadaynayaa dhammaan intii kaqayb qaadatay nabadaas hadey Masuuliyiin yihiin gaar ahaan Masuuliyiinta uu horkacayo Madaxweynaha DDS mudane Cabdi Maxamuud Cumar & madaxdii kale kililka . Dawlada Fedralka iyo bulshada sidoo kale ururadii nabadda qaatay aad iyo aad baan u dareemayaa inuu wanaag badan jiro damiirkayguna maanta wax badan baan ku faraxsanahay in Tallaabo sax ah aan qaadnay ayaan aaminsanahay Alxamdulilaah baan leeyahay.

Su aal:Sheekh waxaad tahay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Samafalka ee SAAD oo ah Hay’ad u istaagtay wax u qabashada shacabka kunool Degaankan runtiina intii yareed ey jirtay qabatay waxyaaba badan oo la taaban karo hadey tahay dhanka Biyaha, beeraha, Caafimaadka,IWM haddaba bishan Ramadaan maxaad ugu tala gasheen Bulshada inaad u qabataan?

 Jawaab:Aad baad u mahadsanatahay runtii waa su’aal wanaagsan sida aad ogtahay SAAD waxaa la sameeyey September 2010 si toos ah waxay u shaqa bilowday ama qorshahedu ahaa 2011 in ay mashaariicdeeda bilowdo sidoo kale waxaa jiray kahor in mashaariic ay bilowday oo Ramadaanka kii ka horeeyey munaasabadaas dad badan ayaan Afurinay inkasta oo aynan Gobolada oo dhan wada gaadhin Muanaasabadii ka dambeysay ee Ciidul Adxaha ahayd iyadana Xoolo badan ayaan qaybinay oo gobolada badankood aan gaadhsiinay kadib 05-01-2011ee sanadka sidii uu qorshuhu ahaa Mashruucii ugu horeeyey ahaana kii ugu weynaa Ceelkii riigaa haa ayaan jigjiga ka bilownay intii ka dambaysayna bil kasta mashaariic ayaan gacanta ku haynay ilaahayna wuxuu nagu guuleeyey inaan mashaariic badan fulinay xaga ceelasha marka laga eego illaa 10 Ceel hadda wax la dhameeyey iyo waxaan gacanta ku hayno ayay isugu jiraan oo gooba kala duduwan aan ka fulinay , Beertii BARWAAQO ee galbeedka Goday guul ayuu ahaa farina kama qodno oo way socotaa ayadaduna.

Sidoo kale dadka masaakiinta ah ee aan wax haysanin xoolo aan u qaybinay ayaa iyana jirtay oo isugu jira Adhi, Geel ,Lo kana qaybinay gobolada qaarkood waxaa sida la ogyahay raashin badan ayaan qaybinay xilligii abaartii hore xagga caafimaadka Isbitaalo aan deeq Daawa & nafaqayn bukaan ah gaadhsiinay ayaa jirtay sida dhagaxbuur,Qabridahar,Goday iyo Wardheer.

Hadii aan usoo noqdo Munaasabadn bisha Barakaysan ee ramadaan waxaan doonaynaa dadka masaakiinta ah ee qaarkood dib dalkii ugu soo noqday ee aan waxba haysanin inaan u sameyno Afur waxaana ka fulinaynaa Sagaalka Gobolba wayna noo qorshaysantahay afurkaas oo isugu jira laba nooc goobaha qaar waxaa lagu bixinayaa Cunto bisil oo ay wehliyaan wacyi galin qaybta labaadna waxay noqonaysaa qoysaska baahan ayaa waxaa loo qaybin doonaa Raashin ay ku soomaan kuna saxuurtaan bisha Ramadaan waxaana rajaynaynaa in wax badan ay u tari doonto.

Ugu dambeyntii Maxaad ugu baaqaysaa umadda adoo ka faa’ideysanaya fursadan ay ku siisay Shabakada Xaajo.com.

Jawaab:Marka hore waxaan Umahadcelinayaa Alle kadibna waxaan aad ugu mahadcelinayaa Shabkadda Xaajo.com oo door weyn ka ciyaartay Nabaddii ka hanaqaaday Degaanka , Horumarka, isku xidhnaanshaha dadka waxaan odhan karaa Xaajo waa mid usoo baxday shacabka u dhashay degaanka ee ku kala nool daafaha dunida iska war qabkooda iyo Xaalada dhabta ah ee ka jirta Degaanka sidoo kale waxaan u mahad celinayaa dhamaan bahda warbaahinta ee kaalinta wanaagsan ka ciyaaray Heshiiskii UWSLF hadii aan u soo noqdo baaqeyga waxaan umaada ugu baaqayaa inaan isku tashano oo aan ilaahay tala saarano dad badan baa tabaalaysan runtii oo ay abaaruhu wax yeeleen Abaaraha aad maqlaysaan eek u dhuftan geeska Afrika. gacmaha la qabto dadka dibedda jirana waxaan ugu baaqayaa iyana inay dalkoodii iyo dadkoodii wax ka badbaadiyaan dib ugu soo noqdaan bulsho iyagu is garab qabanaya aan noqono oo aan gurmad usoo sameyno dadkaa baahan ee abaaraha ku rafaadsan bishan barakaysana waa bisha uu khayrku ugu fiicanyahay Nabiguna (SCW) waxaa lagu tilmaamay inuu dabaysha kaga dag dag badnaa xaga khayrka iyo wax bixinta marka ayadoo dadku ay qaraaba yihiin in dadkii gudaha joogay ay ku rafaadsanyihiin ayadoo ramadaan lagu jiro oo ninkii afuriya nin kale oo muslim ah uu ajirkiisa oo kale uu leeyahay ..

 Ayadoo lagu jiro xilliyada ugu fiican ay dadku Zakada la baxaan muslimiintuna ay is garab qabtaan khayrkuna uu badan yahay ilaahay inuu Naarta dadka ka xoreeyo la weydiisto in ilaahay la baryo oo Salaatu leylka la badiyo oo umadaas inuu ilaahay dhibka ka dul qaado loo duceeyo gacana lasoo gaadhsiiyo ayaan aad uga codsanayaa Umadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan.

Wassalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu.

Xaajo.com

Jijiga

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print