XAAJO.COM

Warbixin: Hay’adda Hormarinta iyo Waxbarashada Godey

XOL: Waxaa halkan kusoo gudbineyaa Warbixin la xidhiidha hay’adda hormarinta iyo waxbarashada Godey iyo qaabka wax usocdaan iyo hadba meesha wax marayaan.

Ujeedo: Bayaan (1)
Bayaankani wuxuu ka kooban yahay qodobadan hoos ku xusan, oo kala ah:
1) Maxay tahay Hay’addani?
2) Yaa madax u ah?
3) Qaab maamulka Hay’adda
4) Maxaa mashruuc ah oo ay hadda fulinaysaa?
5) Mahad Celin
6) Baaq furan

Haddii aan faah-faahin ka bixinno qodobadaas si uu bayaanku u yeesho muuqaal dhammays tiran, ayay faah-faahintiisu tahay sidan:-
A) Maxay tahay Hay’addani?
Hay’addani waa hay’ad wax barasho, oo hadafka loo aasaasayna uu yahay, hor u marinta dhinacyada kala duwan ee Gobolka godey, gaar ahaan dhanka tacliinta, waxayna Hay’addani ka madax banaan tahay arrimaha siyaasadda.
B) Yaa madax u ah?
Hay’addan waxaa maamulkeeda iyo masiirkeedaba gacanta si buuxda ugu haya, culimo waayayn oo kasoo jeeda gobolka Godey, si waynna ay bulshada soomaliyeed u wada garanayso waxayna kala yihiin:

1) Sh C.Raxmaan Qayliye (Sucuudiga)
2) Sh Adan Ahmed (Kenya)
3) Sh C.Rixiim C.llaahi (abul-Caynayn) Kenya
4) Sh Max’uud Sh Max’ed Shibli (Kenya)
5) Sh Xassan M Ibarhim
6) Sh C.Rashiid Sayd Axmed Sayd Cali (UK)
7) Sh Max’uud Sh Axassan (abu Dalxa) Denmark
8) Dr C.Raxman Sh C.llahi Cumar (Madina Al-Munawarah)
9) Sh C.Raxman Wardheere (Kenya)

C) Qaab maamulka Hay’adda:

Qaab maamulka Hay’aadu wuxuu u dhisan yahay sidan:

1) Sh Max’ud Sh Max’ed shibli (Gudomiyaha Hay’adda)
2) Sh C.Raxiim (Abul-Caynayn) (Xog hayn)
3) Sh Adan Axmed (Dhanka Dhaqaalah)

D) Maxaa mashruuc ah oo ay hay’addu fulinaysaa waqtigan Xaaliga ah?
Waxay hay’addu hadda gacanta ku haysaa dhissidda Mac-hadka IMAMU SHAFICI EE MAGAALADA GODEY, kaas oo hawl galkiisu si wanaagsan uga socdo dal iyo dibadba.

• Mac-hadkani waxaa loogu tala galay inuu noqdo mid aad u tayaysan, wax barashada ay dadku u baahan yihiinna ka haqab tiri doona insha Allah, isla markaana yeelan doona heerarka loo baahan yahay ee wax barasho, iyadoo tix galin gooni ah lasiin doono kolba baahda jirta dhanka mustawaha.

• Waxaa kale oo xusid mudan in mac-hadka loo samaynayo Masjid, Maktabad iyo qalabaynta casriga ah ee wax barasha ahaan loo baahan yahay.

• Waxaa iyadana aad muhiim u ah inay hay’aadu ugu tala gashay mac-hadkan markuu dhammaado inuu noqdo mid isagu iswada oo aan u baahanin in dad wax loo waydiiyo, kuna filnaado macalimiintiisa iyo wixii kale ee socod siin tiisa la xidhiidha.

• Waxayna qiimaynta intaas oo dhan kusoo uruursatay in lacagta loo baahan yahay ay tahay $500,000.

E) Mahad Celin

Mahadda Allah kadib, waxaan aad ugu mahad celinaynaa walaalaha iyo waddamada isu xil saaray inay Mac-hadkaas hir galintiisai meel kasta oo ay joogaanba, rag iyo dumarba, waxaan si gaar ah ugu mahad celinaynaa Jaaliyadda kasoo jeeda gobolka godey ee sida wanaagsan isu abaabushay, kalana ah:-

A) Reer UK
B) Reer Denmark
C) Reer Souh Africa
D) Reer Sweden
E) Reer Norway
F) Reer Kenya

Waxaana aad uga cod sanaynaa inay sii laba jibbaaraan dadaal koodaas, dhanka kale, waxaan ugu baaqaynaa dadka kasoo jeeda gobolkaas eek ala jooga America, Canada, Australia & Carabaha inay ku daydaan walaala hooda isuna taagan mashruucan.

F) Gaba gabadii : (Baaq furan)
Waxaan dhamman ugu baaqayna dadka muslimiinta ah, walaalaha somaliyaeed dadka ahlul khayrka ah meel kasta oo ay joogaanba, inay gacan iyo garab ku siiyaan hay’addan sidii ay u hir galin lahayd mashruucaa khayriga ah.

Wa billaahi attowfiiq
Waxaa bayaankan iyo baaqaba idiin soo gudbinaya Guddiga Culimada ee Hay’aadan maamula. Oo kala ah:

1) Sh Max’ud Sh Max’ed shibli (Gudomiyaha Hay’adda)

2) Sh C.Raxiim (Abul-Caynayn) (Xog hayn)

3) Sh Adan Axmed (Dhaqaala haye)

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print