XAAJO.COM

Warbixin: Shirkii Machadka Imaam Shaafici ee Godey oo si wanaagsan ku dhamaadey(SAWIRO)

XOL:Waxaa magaalada London ka dhacay taariikhdu markay ahayd 26/05/2012, kulan aad u balladhan, oona ahaa mid aad loosoo agaasimay. Kulankan oo ay soo qaban qaabisay guud ahaan jaaliyadda qurba joogta ee Gobolka Godey, gaar ahaan jamciyadda KAALMO RELIEF ORGANISATION , ayay isugu yimid dad ay ka muuqato xamaasad iyo u heelanaan sidii dadkooda ay wax ugu qaban lahayeen, isla markaana ay gacan wayn uga gaysan lahaayeen hormarka, gaar ahaan dhanka wax barashada.Kulankan oo ahaa mid si aad u habaysan looga soo shaqeeyay, ayaa muuqaaladiisu kamid ahaayeen:

Soo dhawayntii iyo furitaankii shirka.

Muxaadaradiisii 1 aad (|Alla ka cabsi laysugu dar daarmay)

Shirka Muxaadaradiisii 1 aad oo uu soo jeediayay Sh Max’ed Macalin (Sh Max’ed Dheere), oo kamid ah culimada waddankan Uk, taas oo sheekhu hoosta ka xariiqay sida ay waajib u tahay in arrimahan oo kale laga qayb qaato.Waxayna abuurtay kalimadaas Sheekhu jeedayay xamaasad aad u wayn kana muuqatay natiijada gaba gabadii shirkan.

KA WARBIXIN HAY’ADDA KAALMO

Hay’addan oo ahayd midda iyadu fidisay marti galinta shirkan, soona qaban qaabisay, ayaa Waxaa si faah-faahsan ooga war bixiyay Hay’adda Kaalmo Walaal C.Salaam Adan Dhugad, oo kamid ahaa Aas-aasayasha Hay’addan, isaga oo caddeeyay hadafka ay u sameeyeen hay’addan iyo wax qabadka ay doonayaan oo uu kusoo koobay dhowr qodob oo kala ah:

A) Dhanka wax ka qabadka abaaraha

B) Dhanka hormarinta tacliin

C) Iyo waliba dhanka Caafimaadka

Wuxuu intaas ku daray hay’addani inay tahay mid ka sharciyaysan waddankan UK, islam markaana ah mid si caalamai ah u diiwaan gashan, meel kasta oo adduunka kamid ahna ka howl gali karta.

War bixintaa walaal C.salaam ayaa waxaa ku xigtay warbixin kale oo aad u muhiim ahayd kuna saabsanayd guud ahaan qaybta is maamulka somalida, gaar ahaan Gobolka/Magaalada Godey, waxaana soo jeediyay Walaal Ramadan Sh Max’ed Shibli, oo mardhow kasoo laabatay waddankii.

Taas oo uu kusoo bandhigay warbixin meela badan taabanaynsay, dadkuna aad ugu diirssadeen.

Muuqaaladii uu soo bandhigay oo isugu jiray qoraal iyo kuwa maqal iyo muuqaal ahba, ayaa waxaa kamaid ahaa muuqaalka iskuulka shebeelle oo tusaale ahaan loosoo qaatay.

Waxaa kale oo kamid ah: Macadka SALAAMA ee magaalada Godey

War bixinahaas meelaha badan tabanayay kadib, ayaa waxaa laguda galay in dareenkii meesha laga qaaday loo badalo ficil, taas oo uu dhiirri galinteeda u istagay Sh C.Nuur werar, oo aad loogu yaqaanno inuu gacan wayn ka gaysto dhisidda Masajidda iyo meelaha khayrka ahba.Sh c.nuur oo taagan, lacagtii MACADKA IMAMU SHAAFICI lagu dhisi lahaana waxay u dhacday sida tan:

Muuqaal kaasina waa Sheeekhii oo billaabay, wax yar kadib ayay qaacadii isla wada garirrtay, oo gacanta lawada taagay, waxayna keentay in sheekhuna qiirooday kadib xaaladdu sara jog isu badashay, sida uu muuqaalkani dhigayo.

Waxaa waliba sii dheer inay idiinka muuqato wajiga sheekha farxad iyo iyo qaadansha waa, kadib markii ay dadku si aad u qiira leh uga qayb qaateen barnamijkii lasoo bandshigay.

Ugu danbayntii ayaa waxaa kasoo baxay goobtaas lagu shirsanaa, baaq ay soo jeediyeen qaar kamid ah Cumlimada, odayaasha soo qayb abaabulay kulankan : Sh Mux’ed C.llaahi Dacar, Sh Mukhtar Cali Cabdi,Sh Max’ed Yusuf Qaladiid Sh Bashiir Cabdi Dofil iyo akhayaar kaleba, waxayna ugu baaqeen guud ahaan dadka kasoo jeeda ismaamulka somalida Ethiopia, gaar ahaan qurba joggta gobolka Godey inay meel kasta oo ay joogaanba iska kaashadaaan sidii ay u taagi lahaayeen macadka Imaamu Shaafici ee magaalada Godey.

Wabillahi Attowfiiq, wassalamu Calaykum

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print