XAAJO.COM

Wardagdag ah: Kulan xasaasi ah iyo goaamo muhiim ah

XOL:Wararka warbaahinta Xaajo kasoo gaadhaya magaalada Jijiga ayaa sheegaya in shir muhiim ah xukuumadda DDS uga socdo magaalada Jijiga kaasoo looga hadlayo arimo muhiim ah oo la xiriira waxqabadka DDS, qiimeynta safarkii Australiya, Shirka Xisbiga ESPDP iyo dib udoorashada xubno cusub oo kusoo biira iyo waliba doorka qurba joogtu ku yeelan doonaan xukuumadda DDS iyo xisbiga ESPDP ee xukumadda Dawladda Deegaanka.

Sidoo kale waxaa ajendaha shirka saaran arin warbaahinta Xaajo ay muddo dheer ka hadleysey laguna wado in maanta la ansixiyo oo ah maalinta calanka DDS Soomaalida oo lagu wado in loo aqoonsado maalin shacabka DDS meelkasta oo ay joogaanba ay u dabaaldagaan abuuritaanka iyo sameysinka ismaamulka DDS isla markaana noqondoonta maalin fasax ah ayna caalamka ka dhacaan shirar waaweyn iyo dabaaldag balaadhan oo lagu soo bandhigo waxqabadka Xukuumadda DDS.

Waxii kasoo baxa shirka caawa kala soco Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print