XAAJO.COM

Wareysigii Cabdirashiid Shariif “ONLF waa mid Heshiisna Way qaadatay”

XOL: Kusoo dhawoow Xaajo.com

Jawaab:Waan dhawahay waanad ku mahadsantihiin fursaddan aad isiiseen.

XOL: Ugu horeyn bal noo sheeg xilka aad ka heyso ururka ONLF ee heshiiska Qaatey?

Jawaab: Horta anigu waxaan ahay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee ururka ONLF waxaana xusid mudan ineysan jirin ONLF nabad qaadatey iyo ONLF aan nabadqaadanin. ONLF waa Mid kaliya dhamaanteedna nabad ayay qaadatay.

XOL: Shariif Maxamed Cumar Cismaan waan ognahay waxuu sheeganayaa inuu yahay ONLF marka sidee la idiin kala saari soo lagu wareeri maayo?

Jawaab: Ninkaas magac ahaan wuu ujiraa oo waa shakhsi waxaanse kuu sheegayaa inuu ushaqeeyo Ereteriya ee uusan ushaqeyn wax urur ah. Marka nin Ereteriya ushaqeeya shuqul kuma lahan deegaanka iyo danihiisa.

XOL: Bal heshiiskii nooga waran aad dawladda Ethiopia la gasheen, maxaase kasoo baxay, maxaad ku heshiiseen dhankiina iyo dhankoodaba?

Jawaab: Heshiiska ONLF iyo dawladda Ethiopia marxalado badan ayuu soo maray waxuuna maanta marayaa meeshii ugu wanaagsanayd. Heshiiska nuxurkiisu waxuu kusoo koobmayaa Dhankeena inaan aqoonsano isla markaana u hoggaansano Dastuurka dawladda Ethiopia isla markaana xaquuqdeena ku doono si nabad ah kana shaqeyno hormarka dalka iyo dadka. Dhanka dawladda Ethiopia waxaan kula heshiiney iney siidaayaan maxaabiista u xidhan siyaasadda ONLF, Dadkuna helaan xuquuq buuxda iyo dib u dajin loo sameeyo ururka ONLF maamul iyo askarba.

XOL: Bal nooga waran shirarkii gudaha iyo dibadda ee aad kaqaybgasheen?

Jawaab: Horta waxaan ogaaney in kashaqeynta nabaddu ka hawlbadan tahay midda dagaalka waayo way kamidho badan tahay kana faaiido badan tahay. Tan iyo intii aan hawshan nabadda bilawney habeen iyo maalinba mashquul baan nahay iyo shirar isdaba joog ah. Intaan gudaha joogay shirarku  ma dhamaaneynin waxaase ugu weynaa shirkii Garigoan, midkii Qabridahare, Jijiga iyo Addisaba midkii saxiixa heshiiska. Shirarkan dhamaantood waxay ahaayeen kuwa aad u wanaagsan oo aan dadkeena kula kulanay kulana tashanay. Runtii waxey ahayd khibrad aan waligeed nasoo marin waa iney illaahay mahaddii.

Shirkii Garigoan waxuu socdey labo maalmood waxaana kuqabsaney shirweynihii saddexaad ee ONLF anagoo ku tagney baabuurtii aan kaga baxney Jijiga. Shirkaasi waxaa kasoo qaybgalay golaha dhexe iyo golaha fulinta ee ONLF waxaana ku gaadhney go aan ah inaan heshiiska nabadda dhemeystirno kadibna waxaan u gudubney Qabridahare iyo shirkii taariikhiga ahaa oo ay kasoo qaybgaleen dad aad u badan oo ka kala yimid dalka iyo dibadda. Odayada iyo waxgaradka 52 dagmo waxaa meesha shacabka ree Qabridahare ay diyaariyeen marti soor aan la arag waxaa lasoo tubey 120 halaad oo geel ah. Dad gaadhaya 900 ruux ayaa kasoo qaybgalay waxuuna ahaa shir taariikhi ah.Shirkaas waxaa isku xogwareystey shacabkii, Xukuumadda DDS , waxgaradkii iyo jaaliyaadkii qurbaha waxuuna ku dhamaadey guul iyo is afgarad. Aniga iyo shacabku waxaan isku dhaarsanahay inaan kawada shaqeyno nabadda iyo hormarka.

Kadib waxaan ku laabanay shirkii saxiixa heshiiska ee Addisbababa oo dunida oo dhan ay goobjoog ahayd, hadda waxaan kanimid Denmark oo shirweyne ka dhacay halkaas lagu taageerey nabadda. Maalinka barito ah ee Sabtidanna waxaa London ka dhacaya shirweyne kale. Marka hawshu nabaddu waa ay shaqo badan tahay waana ay nacfi badan tahay.

XOL:Qabridahare xaggeed u marteen ma diyaarad baad ku tagteen?
Jawaab: Qabridahare waxaan ku tagney gaadhi waxaana sii marney jidka dheer anagoo ah wafti balaadhan si aan usii aragno nolosha dalka una sii salaano. Intii aan soconey jidkana si wanaagsan oo heersare ayaa calamada naloogu lulayay. Jidka dheer oo hadda laami u badan ayaan marney Laamiguna waxuu gaadhaa illaa tuulada Gumar oo udhaxeysa Sheygoosh iyo Birqod. Waxaa kale oo aan sii marney Dugsiga Sheykoosh ee caruurta ree Guuraaga loogu tala galay oo ay caruur badani wax ku barato. Arintaas aad baan ugu bogney in caruurteena ree guuraaga ahi ay helaan waxbarasho iyadoo cuntadoodiina ay meesha ka helaan oo ay seexdaan. Jidkaas dheer ayaan u marney Qabridahare waxayna ahayd runtii khibrad wanaagsan.

XOL:Shariif adiga goormaa kuugu danbeysey waddankii ka hor heshiiskan?

Jawaab:Aniga waxaa iigu danbeysey tagitaan ahaan 1992 balse waxaan ahaa nin ka dagaalama siyaasad ahaan oo si ruuxi ah waan u joogey. Aragtidaydii aan kaga tageyna waxbadan ayaa iska baddalay markaan kusoo laabtey. Anigoo ONLF ayaan ka tagay Alxamdul Lillaahi inaan anigoo ONLF ah soo laabtay, Colaad baan kaga tagay maantana nabad ayaan ku imid oo aan ku tagay magaaladii aan ku dhashey.

XOL: Maxaa sabab u ahaa heshiiskiinan adinka iyo Ethiopia?

Jawaab: Heshiiskeena waxaa sabab u ahaa goaanka aan qaadanay ka urur ahaan daraasaad iyo wadatashi dheer kadib, dawladda dhexe oo ay ka go an tahay in dalka nabad lagusoo dabaalo iyo Xukuumadda DDS gaar ahaan madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wasiirka iyo gudoomiyaha xisbiga SPDP Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi oo iyagu dadaal dheeri ah ku bixiyey hawshan ahaana shakhsiyaad ay daacad tahay nabad helidda deegaanka.

XOL:Aawey Guddoomiyihii maxuu idiinla socon waayay?

JawaabL Guddoomiyaha iyo saraakiil sarsare oo lasocoteyba waxey jiraan waddankii waxeyna wadaan hawlo ka qayb ahaa heshiiska oo ay ugu horeysey siidaynta maxaabiista ONLF Iyagoo sii daayay qaar badan kuwa kalena lagu wado iney sii daayaan.

XOL: yaa kugu weheliya socdaalkan dhanka ONLF mise waa kaligaa?

Jawaab:Waxaa ila socda Xasan Cabdi Kaahin oo ah Hoggaanka arimaha bulshada ee ururka.

XOL:Socdaalkiina xaggee ku egyahay mise meelo kale ayaad sii aadaysaan?

Jawaab:Hadda waxaan ku laabaneynaa Ethiopia iyo waddankii balse waxaan dib ugu soo noqondoona la tashiga jaaliyaadka anagoo gaadhi doono dalka Maraykanka iyo waddamo kale.
XOL:Zenaawi waad la kulanteen maxaad is dhahdeen ama aad kawada hadasheen?

Jawaab:Raisul Wasaaruhu waan la kulanay waxuuna nagu amaaney goaanka geesinimada ah ee aan qaadanay isagoo dhanka kalena nooga warbixiyey qorshaha shanta sano ee hormarka deegaanka ka dhici doona waxaana ugu muhiinsanaa Mashruuc lagu hubinayo in dalku soo saaro cuntadiisa meelaha ugu badan ee laga hiragalinayana waa deegaanka Soomaalida.

XOL:Ugu danbeyn maxaad dadka ku akhrisanaya  dal iyo dibadba usheegi lahayd?

Jawaab: Horta waxaan jeclahay inaan dhamaantood salaamo anigoo huba in qofwalba oo kamid ahi jecelyahay wanaagga dadkiisa. Waxaan leeyahay walaalayaal dadkii iyo dalkeenu nabad ayuu u baahan yahay illaahay mahaddiiina waan gaadhney go aankaas dawladdii Waddanka iyo middii deegaankuna wey qaadatey. Waxa loo baahan yahay in waddankii la maalgashado, la tago oo aan sheeko kale la dhageysanin. Waddanku wuu kuu baahan yahay adiguna waad u baahantahay.

XOL:Shariif Waad mahadsantahay

Jawaab: Mahadsanid waxaana aad u rajeynayaa in shacabku ogyahay waqtiga iyo dadaalka aad ku bixiseen in deegaanka nabad lagu soo dabaalo waxaan isleeyahay riyadiinii way muuqataa. Mahadsanidin markale.!

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print