Imaanshahaygii Itoobiya siiba Carrada Deegaanka Soomaalida, waxaan kala kulmay Carqalado iyo Faa´iido badanba. Shacabka Soomaalida Itoobiya waxay leeyihiin Dhaqan aad u qaali ah oo soojreen ah( Traditional Political Culture), marka la barbardhigo Soomaalida kale. Waxay lahaayeen Dhaqan Bulsho oo aanan la kalasarraynin oo la siman yahay( Egalitarian System).
Boqorka, Garaadka, Ugaaska, iwm., iyo Beesha oo nin walba kujiro GEED hoostii ayaa Go´aanada lagu gaadhi jiray si siman( Equal Participation). Dhaqankaasi Soojireenka ah ayaad moodaa inaan la waafaijinin nidaamka casriga ah ee Dawliga( Modern State), taasoo wadamada horumaray mar hore iswaafajiyeen oo laga gudbay. Golaha Guurtada ayay leeyihiin oo ay ka tirsan yihiin Boqorada, Garaadyada, Ugaasyada, iwm., Sayidyada, Culimaaudiinka, Odayaasha Beesha, iwm..
Anigoo wadankayga sodon sano ka maqnaa oo aad ugu Hawo-Weynaa ayaan waxaan la kulmay Faaíidooyin badan. Iyadoo dhisida iyo adkaynta Nidaamka Dawliga Casriga ah ee Federaalka( Federal Modern StateSystem) lagujiro ayna ahayd Xilliyadii Kala- Guurka, waa sideed sano kahore, ayaan waxaan Indhahayga ku arkay Magaalada Jigjiga Ismaamul-Buuxa(Self-Determination) oo ay Soomaalidu u Madaxbannaan tahay, Afka Soomaaligana wax lagu maamulo. Taasi waxay cadaynaysaa arrin aan waligeed ka dhicin Deegaanka, Ummada Soomaalidana ay mudo dheer u baahnaayeen.
Nidaamka Federaaliga ah ee aanu qaadanay waa Nidaamka la iskuxukumo ka ugu fiican oo ku haboon Umadeena iyo kuwa Qawmiyadaha kala duwan leh, waana Nidaamka ugu adag fulintiisa ama hirgalintiisa maadaama shaqsi kasta ama Beel kasta( Majority Rights, Minority Rights, Personal Rights, etc,.) la qancinayo, Xuquuqdiisana la ilaalinayo. Mida kale waxa sii adkaynaya fulintiisa waa Nidaamka gaarka u ah Federalka ee la dhaho– “Decentralization System”. waa Qorshaha Dhaadhicinta Maamul–Goboleedka iyo Degmooyinka.
Carqaladaha ugu weyn ee Bulshada Deegaanka Soomaalida ay la kulantay waa sidan:
Waxaa iska horyimid, billawgii horeba ee Deegaanka, laba Dhaqan-Bulsho( Cultural-Conflict).Mid wadanka ayuu ka qaxay wakhtigii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya 1977, midna waa Bulshadii ku hadhay Gumaystihii Dhargiga.
Qaxootigii soomaaliya kasoo noqday( Returnees), sida Jalalaqsi, Luuqjeelo, iwm., oo Dhaqankii Asliga ahaa ee Xoolo-Dhaqatada waxbadan katagay oo galay Noolal–Xero–Qaxootinimo oo Jiin( Generation) badan iska dhaxlay oo qaatay Dhaqanka–Iskudul–Noolaadka( Dependency). Noolashaasi Khayaaliga ah waxay keentay Dhaqanka—- Musuqa( Corruption), Xigsi( Nepotism), Hantilumis, Beenabuuris, Shirqoolis, iwm..
Bulshada Gumaysiga kujirtay oo Nidaamka- Dawliga-Casriga( Modern State System) aan laga qaybgalinin( no Participation). Awoodooda Aqooneed, Caafimaadkii iyo Adeega Guud ee Aasaasiga Bulshada aad ayaa looga ilaalin jiray.
Iskudhaca Labadaasi Dhaqameed( Political- Cultural-Conflict) ayaa keenay Billawgii Maamulka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya carqaladahii ugu waaweynaa ee ay la kulantay illaa haddana wali jiitamaya. Waxyaalaha ay Dawlada Federaalka oo iyadana cusbayd Deegaanka la fahmi wayday waa Carqaladahaasi. Illaa haddana Dhibkii wuu jiraa ee lama dhihi karo wuu dhamaaday.
Laakiin Nidaamka Federaaliga ah haddii Awoodiisa La Kobciyo oo la hirgaliyo Maamulka- Suubsan ee Dawlada-Deegaanka-S. oomaalida ee Maanta, Waxqabad aad Horumar u leh Bulshada ayaa la gaadhi karaa.
Markaan ka hadlo arrimaha kusaabsan Maalgalinta( Investment) iyo Qurbojoogta( Diaspora). Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waa wadan aad u khayraad badan oo leh Xoolo, Wabiyo, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Duurjoog badan. Ummad iyo Deegaankeedaba waxay horumar gaadhi markii Maalgalin xoog leh hesho. Deegaanka Soomaalida illaa hada Dawlada Federaalka iyo ta Deegaankaba oo kaliya ayaa maalgalisa. Aad ayay u yarayd maalgalin ka timaada Qurbojoogta dibada ee Deegaanka.
Laga billaabo Heshiiskii Dawlada Dhexe iyo WSLF, iyo kuwa kale ee Nabada qaatay waxaa soo badanaya booqashada Aqoonyahan iyo Maalqabeen Qurbojoog ah oo aad iyo aad Niyadsami iyo Jacayl u leh Dhulkooda-Hooyo.
Aragtidayda Gaarahaaneed waxay ku salaysantahay Nidaamka Dawliga ah ee Federaalka ee Qawmiyadaha Itoobiya u yaal iyo Dastuurkaba sabab looga horyimaado oo loo qaadan waayo ma garanin.Arrintaasi bari hore,1993 iyo 1994 (ta Galbeed ) ayaan mawqifkayga kusaabsan arrimaha Nidaamka Federaaliga iyo Dastuurka sheegay, siiba qabashadii Shirkii weynaa ee Jarmalka ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahan Qurbojoog ah oo dalal kala duwan ka yimid Deegaankana u dhashay. Shirkaasi oo ay Ujeedadiisa ahayd Carqaladaha iyo Xalka Dhibka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Lixdan sano( 60 ) oo dagaal, gaajo iyo jaho- wareer ayay Ummadan kusoo jirtay. Maanta waxay u baahan yihiin ” Nabad iyo Horumar”. Sidaas daraadeed waxaan aad ugu faraxsanahay una soo dhawaynayaa Ururada Nabada qaatay, kuwa kalana waxaan ugu baaqayaa inay sidaas oo kale Nabada u qaataan Bulshada awgeed.
Xaajo.com
Diridawa