XAAJO.COM

Wasiirka Caafimaadka iyo kuxigeenka Maaliyadda oo marti qaadey Waftigii Jaaliyadda Qoraxay

XOL: Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa waftigii jaaliyadaha Qorahay ee ku sugnaa magaalada Jigjiga ayaa qado sharaf waxaa u sameeyay wasiirka caafimaadka Mr Habiib Muxumad Yuusuf iyo wasiir ku xigeenka maaliyada Mr Mohamed Ibrahin waxaa kale oo qado sharaftaa ka soo qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano kale oo kala ah.

Wasiiro Raxmo suldaan maxamoud haybe wasiirada dumarka iyo dhalinyarada iyo caruurta iyo wasiirka Xafiiska Qurbo joogta DDS Mr Cabdi Gamaadiid iyo agaasimaha dakhliga Mr Yaasiin Cumar waxaa kale oo qado sharafta ka soo qeyb galay odayaal dhaqameedkii gobolka Qorahay oo shir u joogay magaalada Jigjiga.

Kulankan qado sharafta waxaa ka hadlay wasiirka caafimaadka oo qadada bixiyay iyo wasiir ku xigeenka maaliyada iyaga oo sheegay in ay aad oogu faraxsan yihiin qurbo joogta gobolka in ay soo booqdaan dhulkoodii hooyo.

Sidoo kale waxaa goobtii ka hadley masuuliyiinta jaaliyadaha Qoraxay iyo madaxdii qadada qabatay waxeyna halkaas isku waydaarsadeen war bixin iyo isu hanbalyayn iyo ay jaaliyaduhu ka qeyb qaataan nabada iyo horumarka waddanka ka bilawday.

Safarka oo ah midkii ugu horeeyey oo wafti kasocota jaaliyaadka Qoraxay ay ku tagaan waddanka ayaa lagu wadaa iney maalmahan inagu soo aaddan usii gudban gobolada kale ee Deegaanka. Iyadoo shacabka iyo xukuumadda deegaanka dal iyo dibadba ay soo dhaweynayaan socdaalada noocan oo kale ah ee ay qurba joogtu waddankooda ku tagayaan kuna maalgashanayaan ayaa waxaa jira dad yar oo iyagu ka xumaadey hormarka iyo nabadda kajirta gobolada qaar.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print