XOL:Jaaliyada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee gobolka Minnesota, ayaa maanta qado-sharaf & soo dhaweyn heersare ah u sameeyay Waziirka Xafiiska Jidadka ee DDS, Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo hordhac u ah wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DDS, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo dhawaan booqasho ku iman doona wadanka Mareykanka. Guddiga Odayaasha ee Minnesota ayaa marti-qaadkan u fidiyay wafdiga ka socday DDS, waxaana ka soo qayb galay dhamaan Jaaliyada Minnesota iyo Ururka SEDYO.
Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha, Mudane Cabdi Ibraahim Maxamed (Shuuriye) oo hadal ka soo jeediyay goobta qado-sharafta lagu qabtay, ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay Minnesota isagoo ballan qaaday in ay odayaashu kaalin laxaad leh ka qaadan doonaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha DDS. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Af-hayeenka Odayaasha, Mudane C/llaahi Raabi Cabdi, Cumar Garaad Dool iyo Waziirka Xafiiska Jidadka ee DDS, Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil. Wasiirka ayaa u mahad celiyay odayaasha iyo dhamaanba bulshadii ka soo qayb gashey qado-sharaftii maanta.
Ururka Dhalinyarada SEDYO ayaa wafdiga DDS sooryo u fidiyay maalinta barri ah.
Maxamed Shariif
Af-hayeenka SEDYO