XOL:Wafti heer wasiiro ah oo ay hoggaaminaysay wasiirka arimaha haweenka Raxmo Suldaan Maxamuud Haybe ayaa booqdey magaalada Marsin iyadoo ay weheliyeen wasiiro kale iyagoo la kulmay shacabka ku nool magaaladaas.
Shirweyn oo ay isugu yimaaaddeen wasiirada iyo shacabka ayna hadalo ka jeediyeen madadu ayaa looga wada hadley dhibaatooyinka soo maray magaalada Marsin ka hor intaan dagmo laga dhigin iyo waxyaabihii u qabsoomey intii dagmada laga dhigay. Waxaa kale laga wada hadley sida loogu baahanyahay illaalinta nabadda iyo hormarka magaalada Marsin oo ku taalla meel istraatiji laguna wado in mashaariic badan laga fuliyo si ay dadku uga soo kabtaan dhibaatooyinka ragaadiyey.
Xaajo.com