XAAJO.COM

Xafiiska Jaaliyaadka DDS oo fududeeyay qaadashada Yellow Card-ka

XOL: Axad 08 July,2012. Xafiiska Qurbajoogta DDSI ayaa Waxa uu ugu bishaaraynaynaaaa dhamaanba Qurbajoogta ku dhaqan dalka iyo dibadiisaba ee Ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya in loo fududeeyay Qaadashada aqoonsigii deganaashaha 5 sano ama (Yellow card) oo lagu qaadan karo 24 saacadood gudahood Wixii Hada ka danbeeya. Hadaba waxaa dhamaan Qurbajoogta u dhalatey Dawlada Deeganaanka Soomaalida Itoobiya ee ku dhaqan Dalka Dibadiisa mar labaqad lagu wargalinayaa in si fudud ay ku heli karaan Yellow-Card marka ay soo buuxiyaan shuruudaha hoos ku qoran oo looga baahan yahay Qurbajoogta.

1. Waa in uu u dhashey Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

2.Waa in uu haystaa Fiisihii uu wadanka ku soo galay oo aan dhicin,waa Dalka Itoobiyee.

3.Waa in uu haysto Baasaboorkii waynaa ee Wadanka uu Dhalashadiisa haysto.

4.Waan in uu buuxiyo shuruudaha iyo foomka Xafiiska Qurbajoogta Dawlada Deegaanka Soomalida Itoobiya uu Ka Buuxiyo Qurbajoogta.

5.Waan in uu ka keeno Warqad ama Cadayn Xafiiska Maxkamada Guud ee DDSI taasoo cadaynaysa in uu u dhashay Deegaanka Soomalida Itoobiya.

6.waa in uu bixiyo $100 boqol dollor si uu u qaato yellow card waxuuna lacagtaas ku bixinayaa xafiiska socdaalada ethiopia(immigration)ka.

7.Waa in uunan ka tirsanaynayn ama taageerin Ururada Argagixisada ah sida U.B.B.O(Ururka Bahdilka iyo Baabi’inta Ogaadeenka) Dhanka kale Marka aad buuxiso shuruudaha kor ku xusan waxaa magacaaga laguugu gudbin doonaa xafiiska immigrationka mudo dhan 24 saac gudahood si aad u qaadato Yellow-Card.

N,B waxii faah faahin dheeri ah ee intaas dheer waxaad kala soo xidhiidhi kartaan Xafiiska Qurbajoota Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cinwaanadan:-tell.no. +251915330167 E-Mail: -xjdds3@hotmail.com

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print