XAAJO.COM

Xafiiska Qurbajoogta oo qaabilay Guurti katimid Maraykanka

XOL:Madaxa xafiiska Xiriirka Qurbajoogta Axmed Maxamed Shukri ayaa xafiiskiisa ku qaabiley guurti ka tirsan jaaliyadda DDSI ee dalka Maraykanka kuwaasoo soo boodey waddankooda.

Madaxa xafiiska Qurba joogta oo ay weheliyeen Cabdi Khaliif oo ah masuul ka tirsan xafiiska iyo Maxamuud Xaaji oo ah la taliyaha madaxweynaha dhanka xidhiidhka Qurba joogta iyo maalgashiga ayaa waxay is dhaafsadeen warbixino labada dhinac iyagoo ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa xiriirka Qurba joogta iyo xafiiska iyo guud ahaan dalka loogana wada shaqeyn lahaa hormarka iyo nabadgalyada. Guurtian oo ay hoggaaminayeen Mudane Cabdi Axmed (Shuuriye),  Muxumed Caabi C/laahi iyo Axmed Sheekh Doodi oo ah Guurtida Odoyaasha iyo Jaaliyadda DDS.

Waftigan oo ay kamuuqdeen odayaal macruuf ah jaaliyadda Maraykanka waqti badanna galiyay danaha Qurba joogta iyo ka shaqeynta nabadda ayaa si diiran loogu qaabilay deegaanka Somaalida waxaana qado sharaf usameeyey madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Jijiga ayaa noqotey meel loo dalxiis iyo dan tago waxaana maalinwalba kusii qulqulaya qurbajoog badan.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print