XAAJO.COM

Xaflad balaadhan oo Ginboot loogu qabtey Maraykanka

Xafladii loogu dabaaldagayey sanadguuradii 21aad ee ginbod20 oo kadhacdey cariga mareykanka gaar ahaan gobolka MN.

Xafladan oo ay soo abaabuleen ururka dhalinyarada soomalida ethiopia (sedyo) ayey kasoo qayb galeen shucuubta kaladuwan ee kunool gobolka MN iyo martisharafkale oo nooga timid gobolka california.
> Xafladan oo lagu xusey sharafta ay leedahay ginbod20 iyo xumaantii dhiigyacabiintii isdaba joogey ee kahoreeyay.
> Xaladan oo ay kahadleen dad aad utiro badan oo ah qeybaha kaladuwan ee bulshada ayaa dhamaantood isku raacey in lagufaanikaro loona dabaaldagi karo maalinta ay curatey sinaanta iyo cadaalada,xukunkiina lagatuurey dhiigyacabkii weynaa ee mingiste.
Gudoomiyaha jaaliyada somalida ethiopia ee gobolka california (sandiego) abdullahi ibraahin caydiid (bucul)oo marti ku ahaa shirkan ayaa aad ugu nuux-nuuxsadey waxa ay tahey ginbod iyo isbadalka ay latimid dadkii kahadley shirkan ayaa dhamaantood uhambalyeeyay ginbod20.
Ururka dhalinyarada somalida ethiopia ee (sedyo) MN oo wacdaro kamuujiyey xafladii xaley kadhacdey magaalada minneapolis kunasoo bangigay suugaan kaladuwan oo ay kamid ahaa yeen heeso, gabayo, iyo dhaantooyin casri ah oo aad usoo jiitey kasoo qeybgalayaashii xafladan.

Dadweynihii kasoo qeyb galey xafladan ayaa dhageystey fariin uu soo direy madaxweynaha DDSI mudane abdi mohamud omar fariintaasoo aheyd hambalyo kusaabsan xafladan ginbod20 iyo salaan kusocota dhamaan shacabweynaha kunool gobolka MN ee kasoo jeeda wadanka ethiopia.
> Dadkii kahadley shirkan ayaa dhamaantood salaan aad udiiran iyo hambalyo usoo direy madaxweynaha DDSI mudane abdi mohamud omar iyo ciidanka liyuu poliska oo guulweyn kasoo hoyiyey amniga iyo horumarka kataabo galey dsi.

Gudoomiyaha ururka sedyo abdirisaak golongol deyl iyo afhayeenka sedyo mohamed shariif ayaa umahadceliyey kasoo qeybgalayaashii dadweynihii kasoo qeybgaley iyo dadkii suurto galiyey iney dhacdo xafladani.

Abdul, MNPLS

 

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print