XOL:Xaflad aad u qurux badan oo si heersare ah loo soo agaasimay, laguna soo dhaweynayey wafdigii Dawlada Deegaanka Soomaalida ee booqashada ku marayey wadanka Mareykanka, ayaa caawa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Ururka Dhalinyarada SEDYO, Odayaasha, iyo dhamaanba Jaaliyada Deegaanka Soomaalida ee Minnesota ayaa si aysan u kala hadhin oo farxad iyo rayn rayni ku jirto uga soo qayb galay soo dhaweynta wafdiga DDS.
Gudoomiye ku xigeenka odayaasha, Mudane Cabdikariin, iyo Nabadoon Faarax Cabdi Xirsi oo ku hadlay magaca Guurtida Deegaanka Soomaalida ee Minnesota, Aqoonyahano ku hadlayey magaca Jaaliyada DDS ee Minnesota, iyo Af-hayeenka Ururka SEDYO, Maxamed Shariif, iyo masuuliyiin kale oo badan oo dhamaantood ka hadley muhiimadda xafladda.
Qaybta Fanka ee SEDYO iyo fanaanada caanka ah ee Nimco Cabdi Dareen ayaa wacdaro layaab leh ka muujiyay xafladii caawa, waxaana barnaamujkii nabada halkaasi ku muujiyay inuu taageersanyahey, isla markaana ka soo qayb galay xafladii fanaanka isna caanka ah ee Ilkacase Qays.
Wasiirka Xafiiska Jidadka ee DDS Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, oo khudbad aad u qiimo badan oo xog warran iyo isugu jirtay guubaabo ka soo jeediyay xaflada, isla markaana qiiro galiyay ka soo qaybgalayaalkii, ayaa dareenkooda ruxay kadib markii uu ka codsaday inay qadar yar u istaagaan faatixadana u maraan geesiyadii Liyuu Booliska ee naftooda u huray in shacabka Deegaanka Soomaalidu nabadgalyo ku noolaado.
Wasiirka & qaar kamid Ururka Dhalinyarada SEDYO oo ku labisnaa dirayska Liyuu Booliska ayaa si aan la soo koobi karin u farxad galisay bulshadii ka soo qayb gashey xafladii caawa. Xaflada ayaa si aad u qurux badan iyo jawi farxadeed o gacmaha la is qabsaday ku soo dhamaatey.
Xaajo.com