XAAJO.COM

Xafladdii SilentCry oo si heersare ah usocota caawa badhtamaha London

XOL:Waxaa sidii loo balansanaa caawa badhtamaha magaalada London kasocda kulankii loo balansanaa ee ururka SilentCry ay kusoo bandhigayeen muuqaalkii ay kasoo duubeen waddankii iyadoo goobtii shirka la buuxdhaafiyey.

Kulanka ayaa hadda waxaa kasocda Filim kii ay soo duubeen kooxda SilentCry waxaana qorshuhu yahay marka uu dhamaado halkaas khudbad dheer kasoo jeedin doona Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo hadli doona muddo 45 daqiiqo ah isagoo madaxweynuhu ka warbixin doono nabadgalyada iyo hormarka deegaanka iyo qorshayaasha soo socda ee xukuumaddiisu maaggan tahay.

Xafladdan ayaa isla caawadan laga daawan daawandoonaa TV-ga caalamiga ah ee UniversalTV.

Sawirada xafladda dib ayaan kasoo dayndoonaa.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print