XAAJO.COM

Wardagdag ah:Xuseen Dubad Cumar oo ku geeriyoodey Dhanaan

Rabi ha unaxariistee waxaa xalay saqdii dhexe hilaaddii 1pm saacadda geeska Afrika ku geeriyoodey nabaddoon Xuseen Dubad Cumar oo ahaa oday si aad ah looga qaddariyo gobolka Godey iyo guud ahaan deegaanka Soomaalida khaasatan magaalada Dhanaan oo ah magaalo qaddiimo ah.

Marxuum Xuseen Dubad Cumar waxuu udhintey sidaan warar ku helney xanuun caadi ah oo bilahan danbe la ildarnaa kaasoo muddo dhaweyd loo keeney magaalada Addis in lagu daaweeyo balse muddo kadib uu go aansadey inuu lu laabto magaalada Dhanaan uuna xanuunkii usii darsadey kadibna tii illaahay ugu timid halkaas.

Kuma Ayuu ahaa Xuseen Dubad?
Xuseen Dubad Cumar waxuu ahaa oday dhaqameed, kheyr jecel aadna u firfircoon dadkuna jecelyihiin waxuuna ahaa oday dhaqameed nabaddoon ka shaqeeya danta caamka ah ee guud ahaan bulshada. Marxuum Xuseen Dubad waxaa aad loogu xasuustaa inuu ahaa oday firfircoon marwalbana u taagan maslaxada guud iyo hormarka waxuuna sanadihii lasoo dhaafey aad uga dhexmuuqdey mashaariicda hormarinta magaalada Dhanaan oo ay gadhwadeenka u ahaayeen qurbajoogta deegaanka.

Marxuum Xuseen Dubad waxuu ka dhashey qoys aad ubalaadhan oo caalamka ku faafsan aadna looga yaqaano waxuuna walaalo lahaa rag iyo dumar ixtiraam badan looga hayo caalamka.

Marxuum Xuseen waxuu ahaa shakhi u roon masaakiinta waxuuna ahaa saaxiib wanaagsan oo aan kala xisgsanin dadka masaakiinta iyo kuwa mansabka leh waxuuna marwalba ahaa qof kheyr jecel meelaha laga helana waxaa ugu badneyd masaajidyada magaalada Dhanaan.

Marxuumku waxuu ahaa kana mid ahaa dadka ugu horeeya ee marka qof yimaadda magaalada Dhanaan ay indhahiisu ku dhacaan isagoo marwalbana ahaa shakhsi faraxsan xilli walba waxuuna ahaa shakhsi ay dadku jecelyihiin la socodkiisa la sheekeysiiga iyo waliba kaalmadiisa maaddaama oo uu ahaa shakhsi jecel ka shaqeynta danta guud. Illaahay naxariistiisa hasiiyee Marxuum Xuseen geeridiisa waxaa laga tabi doonaa daafaha adduunka iyo guud ahaan dadka ree Dhanaan meelkasta oo ay joogaan iyo gobolka Godey.

Rabbi naxariistii jano ha geeyee Marxuum Xuseen waxuu maanta uglabday gurigii loo badnaa waxaana eebbe uga baryeynaa inuu janadiisii geeyo kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo waxaana sidoo kale eebbe ka baryeynaa in ehelkiisa iyo qaraabada iyo guud ahaan bulshada ree Dhanaan uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print