XAAJO.COM

Xuskii sanadguurada Xisbiga ESPDP oo MNPLS lagu qabtey(+SAWIRO)

Minneapolis MN oo ay kadhacdey sanadguuradii 14aad ee xdshsi. xaflad oo aad loo soo agaasimey oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada somalida ethiopia ee sedyo.

Xafladan oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan jaaliyada kunool gobolka MN ee kasoo jeeda ddsi qaybaheeda kaladuwan ee bulshadu kakoobantahey sida odayaasha,haweenka aqoonyahanada.

Dhalinyarada dhamaan rag iyo dumar iyo martisharafkale ayaan loo kala hadhin kasoo qebgalka xuska sanadguurada 14aad ee xdshsi. Xafladan oo uu daadihinayey ENG ali-abshir Ibraahin yusuf ayaa aheyd waji cusub oo farxadeed oo ay xafladani kudhacdey. Xafladan oo lagufurey ayaayad quraana oo uu akhriyey seyid xassan seyid abdullahi oo kasoo jedada gobolka dhagaxbur oo halkaa kasoo jeediyey wacdi diini ah una hambalyeyey sanadgurada xisbiga kadibna uu daadihiyuhu kusoo dhaweyey gudoomiyaha guurtida odayaasha ddsi Abdi ahmed shuriye oo uhambalyeyey xdshsi ee hogaanka uhaya talada dawlada deeganka somalida itobiya iyo madaxweynaha ddsi mudane abdi mohamud omar.

Kadibna waxaa makafoonka loogu sodhaweyey gudoomiyaha jaliyada magalada st-cloud MN farax xussein fure oo ah aqoonyahan kasoo jeda gobolka jigjiga ayaa aad ufaahfaahiyey taariikhdii xdshsi ee (espdp) iyo sidu kubilowdey.kadina caqil yusuf roble oo ah oo ah caqil kasoo jeda gobolka shiniile ayaa aad ugu dheradey waxqabadka xisbiga sida uu manta ugu adeegayo shacabka kunool dsi oo indhihiisa kusoo arkey sida uumanta xisbigu shabka ugu adegayo oo dadkana kubooriyey iney wadankodii hooyo tagaan oo ay indhahooda kusoo arkan horumarka iyo isbadalka kajira manta oo aad ugu mahadceliyey maxweynaha ddsi mudane abdi mohamud omar kuna amaaney sida uu daacada ugu yahey waxkaqabashada baahida shacabka ddsi.waxa isna taarikhda xisbiga espdp sikoban usharxey tariikhada xisbiga iyo waxqabadka madaxweyne abdi mohamud omar oo hambalyo iyo mahad naqba usoo jeediyey waa abdifatah guure oo ah aqoonyahan kasoojeeda gobolka godey.

Kabina Dr abdinasir somow (qarsadula) oo sikooban usoo jediyey tariikhdii dherey ee loo somarey dimoquradiyada kahanaqadey wadanka ethiopia gar ahaan ddsi.

Dhinaca hawenka oo ay khudbad dheer oo dhinacyo badan tabaneysa kasoo jedisey marwo anab mohamed dahir oo kasoo jeda gobolka wardher oo talo ahaana soo jedisey sidii dayarteena wadankodii loogu celinlahaa oo kunuxnuxsatey nabadgalyada iyo horumarka ay latimid xukumada madaxweyne abdi mohamud omar oo halkana mahadcelin balaran ugu sodirtey xisbiga (espdp)iyo madaxweyne abdi mohamud omar.

Xafladan oo ay kahadlen dad aad utiro badan oo ay kamid ahayeen marwo ardo sheekh yusuf oo kasojeda gobolka (qorexey)oo aad ugu dheratey nabadgalyada iyo horumaka kahanaqadey ddsi iyo waxqabadka xdshsi oo uhambalyeysey sanad gurada 14aad ee xdshsi iyo waxqabadka madaxweyne abdi mohamud omar.

Waxaa kale oo shikaka kahadley martisharaf kale oo kakalasocdey khatumo state iyo murax utartamaya NB nimada south wajer ee dalka kenya oo uhambalyeyay sanadgurada 14aad ee xisbiga talada dawlada deeganka somalida haya iyo madaxweyne abdi mohamud omar.

Waxaa kale oo aan la iloobi karin heesihii iyo fankii ay soo bangigeen ururka sedyo qaybtiisa sedyo-band oo ayqiiro wadaniyaded ku abuuren dadkii meesha isugu yimid oo cashir cusubna kusoo bandhigey suugantii ay halkaa kusoo bandhigeen.

Waxaana kamid ahaa fanaaniintii kaqeybqadatey dabaaldagii sanadguradii 14aad ee xdshsi
1-abwaan mahamed xasan (Bukhari)
2-abwaan kaldeq dahir yusuf
3-fanaan abdifathi sheekh daahir
4-fanaan anas
5-fanaan hodan abdiraxman
6-fanaan farhiyo kanayare
7-fanaan sahra omar dhuule
8-fanaan Zaynab laba-dhagax
9-fanaan absame adan (kulukum)
Kadibna waxaa xafladii soo gabagabeyey gudoomiyaha ururka dhalinyarada somalida ethiopia   Abdirisaaq golongol deyl oo uhambalyey xisbiga (espdp) habka wanaagsan ee uu maamulka degaanka uwado iyo waxqabadka madaxweyne abdi mohamud omar.

Waxaa kale oo mr golongol umadceliyey kasoo qeybgalayaashii xuska sanadgutada 14aad ee xdshsi iyo sooqabanqabiyayaashii xafladan sida quruxda badan usoo qabanqaabiyey iyo intii kaqebqadateyba.
Abdul bedel

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print